Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu waynaa ee Maleeshiyaadka Daacish ay ku lahaayeen aaga Miraale ee Gobolka Bari.

War ka soo baxay Taliska Howlgalka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay dhawr jiho ay ka wareereen Ceelka biyaha oo ahayd halkii ugu weyneyd oo Talis u ahayd kooxda Daacish, in ka badan 10kii sanno ee lasoo dhaafay.

“Waa kamid ah guulihii u waynaa oo ay Puntland gaartay, xaqiijinta in si buuxda gacanta loogu dhigay Taliskii u dambeeyey oo rasmi ah ee Argagixisada Daac1sh, waxaana la aaminsan yahay in ay hadda u firxadeen dhinaca Togga Baalade’e.” ayaa lagu  yiri qoraalka.

MIIRAALE: waa mid kamid ah Togaga ugu deegaanada badan Buuraleyda Calmiskaad, waxaana horey loo soo qabtay Togga Jeceel & Ina Caadoole, oo ay ku dhexyaalaan degaano badan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay howlgal amniga xaqiijin ah ay ka wadaan gudaha Taliska iyo goobo kale oo laga saaray maleeshiyaadka Daacish.

Check Also

Fariin Digniin Fatahaad ah oo ka timid Hay’adda SODMA.

Muqdisho 20 October, 2025 Ujeeddo: Digniin ku saabsan halis fatahaad oo ka imaan karta roobab …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.