Dowladda oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa dagaal culus AS kula galay deegaannada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, kaasi oo soo gaarey dhinacyada.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsan AS, wallow aan la caddeyn khasaaraha soo gaarey dhinaca ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka.

Maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah AS ka waday xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Check Also

Fariin Digniin Fatahaad ah oo ka timid Hay’adda SODMA.

Muqdisho 20 October, 2025 Ujeeddo: Digniin ku saabsan halis fatahaad oo ka imaan karta roobab …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.