Dowladda Maraykanka iyo Dowladda Shiinaha oo Heshiis Ganacsi Gaadhey.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump, ayaa ku dhawaaqay in heshiis ganacsi oo muhiim ah laga gaadhey wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Maraykanka iyo Dowladda Shiinaha, kaas oo haatan sugaya ansixinta rasmiga ah ee isaga iyo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in Dowladda Shiinaha ay si horudhac ah u u fasaxdo dhammaan biraha magnet-ka iyo agabyada macdanta dhifka ah ee muhiimka u ah tiknoolajiyadda casriga ah.

Dhanka kale, Dowladda Maraykanka ayaa fulin doonta ballanqaadyadii horey loo gaadhey, oo ay ka mid tahay in ardayda Shiinaha loo oggolaado inay sii wataan waxbarashadooda jaamacadaha iyo kulliyadaha Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska cusub uu dhigayo in Maraykanku helo wadar dhan 55% cashuuraha kastamka (tariffs) ee alaabta laga keenoshiinaha, halka Shiinuhu uu helayo 10%.

Wuxuu intaas ku daray in xidhiidhka labada dowladood uu yahay mid aad u wanaagsan, isaga oo u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay fududeynta heshiiskan.

Check Also

Fariin Digniin Fatahaad ah oo ka timid Hay’adda SODMA.

Muqdisho 20 October, 2025 Ujeeddo: Digniin ku saabsan halis fatahaad oo ka imaan karta roobab …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.