Dowladda Maraykanka iyo Dowladda Shiinaha oo Heshiis Ganacsi Gaadhey.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump, ayaa ku dhawaaqay in heshiis ganacsi oo muhiim ah laga gaadhey wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Maraykanka iyo Dowladda Shiinaha, kaas oo haatan sugaya ansixinta rasmiga ah ee isaga iyo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in Dowladda Shiinaha ay si horudhac ah u u fasaxdo dhammaan biraha magnet-ka iyo agabyada macdanta dhifka ah ee muhiimka u ah tiknoolajiyadda casriga ah.

Dhanka kale, Dowladda Maraykanka ayaa fulin doonta ballanqaadyadii horey loo gaadhey, oo ay ka mid tahay in ardayda Shiinaha loo oggolaado inay sii wataan waxbarashadooda jaamacadaha iyo kulliyadaha Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska cusub uu dhigayo in Maraykanku helo wadar dhan 55% cashuuraha kastamka (tariffs) ee alaabta laga keenoshiinaha, halka Shiinuhu uu helayo 10%.

Wuxuu intaas ku daray in xidhiidhka labada dowladood uu yahay mid aad u wanaagsan, isaga oo u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay fududeynta heshiiskan.

Check Also

RSF oo Qabsatay Aag Istiraatiiji ah oo ku yaalla Xuduudda Sudan, Masar iyo Liibiya

Ciidamada ka dagaalama dalka Suudaan ee loo yaqaano RSF (Rapid Support Forces) ayaa sheegay in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *