SOMALI NEWS

Mareykanka oo loo maleynayo inuu ku biirayo dagaalka Iiraan iyo Israel

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si cad u muujiyay inuu doonayo in Mareykanku si toos ah ugu biiro dagaalka Iran. Ujeeddadiisu waa in la dumiyao xukuumadda Islaamiga ah ee Tehran, lagana hortago barnaamijka nukliyeerka Iran, kaas oo ay Israa’iil u aragto halis toos ah oo ka dhan ah jiritaankeeda. Mareykanka oo ah saaxiibka ugu dhow ee Israa’iil, wuxuu weligiiba …

Read More »

Dib u dhacay ku yimid gogoshii uu dhawaan ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh

Waxaa maanta dib u dhac ku yimid gogoshii wadatashiga ee uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo lagu waday in maanta ay ka furanto magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay Warbaahinta Dowladda. Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in maalinta barrito ah oo ku beegan 16-ka bishaan gogosha ay ka furmi doonto magaalada Muqdisho, iyadoo tilmaamtay in Madashaan ay kasoo qayb …

Read More »

Madaxweyne Deni: Soomaaliya waxay u baahan tahay shirar go’aan wadajir ah lagu gaaro. Uma baahna wadatashi

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in uusan wax rajo ka qaban shirka wadatashiga ee uu madaxweyne Xasan Sheikh gogoshiisa fididiyay, kaasoo maanta lagu waday inuu qabsoomo, hase ahaatee dib u dhacay. Madaxweyne Deni ayaa sheegay, Soomaaliya in aysan u baahnayn shirar “ma dhalays ah” oo aan sax ahayn qabashadooda. Wuxuu sheegay xaaladda lagu jiro in aysan u baahnayn …

Read More »

Taliyaha ciidamada Itoobiya oo ka digay khatar amni oo Itoobiya uga imaan karta Soomaaliya

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa sheegay in Ethiopia ay halis amni oo weyn kaga imaan karto xoogag uu ku tilmaamay inay si weyn isugu urursadeen gudaha Soomaaliya. Hadalkan ayuu ka jeediyay mar uu hortegay baarlamaanka Itoobiya si uu uga warbixiyo waxqabadka ciidamada muddadii sagaalka bilood ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, Berhanu …

Read More »

RSF oo Qabsatay Aag Istiraatiiji ah oo ku yaalla Xuduudda Sudan, Masar iyo Liibiya

Ciidamada ka dagaalama dalka Suudaan ee loo yaqaano RSF (Rapid Support Forces) ayaa sheegay in ay qabsadeen aag muhiim ah oo istiraatiiji ah oo ku yaalla xagal saddex-geesood ah oo xudun u ah xuduudda Sudan, Masar, iyo Liibiya, kaddib markii ciidanka milateriga rasmiga ah ee Suudaan ay halkaas ka baxeen. Ciidamada Suudaan ayaa sheegtay in tallaanbada ay kaga baxeen aagan …

Read More »

Dowladda Maraykanka iyo Dowladda Shiinaha oo Heshiis Ganacsi Gaadhey.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump, ayaa ku dhawaaqay in heshiis ganacsi oo muhiim ah laga gaadhey wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Maraykanka iyo Dowladda Shiinaha, kaas oo haatan sugaya ansixinta rasmiga ah ee isaga iyo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping. Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in Dowladda Shiinaha ay si horudhac ah u u fasaxdo dhammaan biraha magnet-ka iyo agabyada macdanta dhifka ah …

Read More »

Dagaal Xooggan oo ka Socda Sabiib iyo Caanoole – Ciidamada Dowladda iyo ATMIS oo Gudaha u Galay Magaalad

Wararka naga soo gaaraya degmada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka aroortii hore ka qarxay, kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee ATMIS (horey loogu yiqiin Amisom), iyo dagaalyahanada Al-Shabaab. Ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa ATMIS ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen qeybo badan oo magaalada …

Read More »

Puntland oo diiday ka qeyb galka Gogosha qaban qaabadeeda socoto

Dowlad gobolkeedka Puntland ayaa ka hadlay gogosha qaban qaabadeeda socoto oo ay isku arki doonaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada, Mucaaradka iyo qeybaha Bulshada. Wasiirka Caddaalada dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin gogosha qaban qaabadeeda ay ka socoto magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay inta ay jiraan qoddobada la isku khilaafsan yahay sida Dastuurka iyo Doorashooyinka …

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo tijaabo ku billaawday diyaaradaha Turkiga siiyay

Dowladda Soomaaliya ayaa tijaabo ku billaawday diyaaradaha casriga ah ah ee Atak ah, kuwaasi oo dhawaan Turkiga ku wareejiyay Ciidamada Cirka Soomaaliyeed. Diyaradaha ayaa la arkayaa iyaga oo dul heehaabaya Saldhiga Turkisom ee Ciidamada Turkiga ku tababaraan ciidamada Xoogga dalka. Sidoo kale, Diyaaradaha ayaa lagu arkay furimaha hore ee dagaalka ka dhanka AS, iyaga oo taageeraya ciidanka Xoogga iyo dadka …

Read More »

Sacuudiga iyo Farsiiska oo qorsheynaya shir looga hadlayo arrimaha Falsstiin

Faransiiska iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hogaamin doona shir heer sare ah oo Qaramada Midoobay ay qabaneyso toddobaadka soo socda, kaas oo diiradda lagu saarayo xal waara oo ku saleysan laba dowladood si loo dhameeyo colaadda u dhaxeysa Falastiin iyo Israa’iil. Shirkan ayaa imanaya xilli wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in Faransiisku uu ku dhawaaqi doono tallaabo lagu aqoonsanayo …

Read More »
Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.