Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA.
Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.
Mahad Salaad ayaa xilkan horay u soo qabtay sanadkii 2022, wuxuuna mar kale xilkan kusoo laabanayaa isagoo beddelaya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo xilka laga qaaday.
Waa siyaasi ruug-caddaa ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda federaalka, Waxaa uu ka mid yahay xubnaha saameynta ku leh Villa Somalia.
Wuxuu horey u ahaa Xildhibaan iyo Agaasimihii hore ee NISA xilligii Madaxweynaha uu xilka markale qabtay 2022.
Magacaabistan ayaa imaneysa xilli dalka uu wajahayay xaalado amni, siyaasadeed iyo isjiid-jiidyo dhinaca maamulka ah.