Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii ay dowladda Iran ku qaaday Saldhigyada Ciidanka Mareykanka ee ku yaalla dalka Qatar.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay si buuxda u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Qatar.
“Waxaan si hagar la’aan ah u garab taagan nahay madaxbannaanida, amniga, iyo midnimada dhuleed ee dowladda Qatar. Soomaaliya waxa ay si adag ugu taagan tahay ilaalinta nidaam caalami ah oo ku saleysan xeerar – nidaam ku dhisan ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, ka fogaanshaha ku xad-gudubka xuduudaha, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah oo wadahadal ku saleysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn iyo masuuliyad, iyadoo beesha caalamka ugu yeertay inay u midoobaan ilaalinta nabadda, xasilloonida gobolka.
Muqdisho News