Shil naxdin leh oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay Isgoyska Afarta Darjiino ee magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa yimid kaddib markii gaari xamuul ah uu ku dul dhacay mooto bajaaj ay saarnaayeen dad rayid ah.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal, xaaladda waxaa sii adkeeyay markii bajaajta laga dul qaadi waayay gaariga xamuulka ah, iyada oo ay soo gurmadeen dad rayid ah.

Dadka dhaawacmay ayaa isla markiiba laga qaaday goobta shilka, waxaana la geeyay xarumo caafimaad.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana loo sababeeya xawaaraha xad dhaafka ah ee lagu kaxeeyo gawaarida iyo cilado kale.

Check Also

RSF oo Qabsatay Aag Istiraatiiji ah oo ku yaalla Xuduudda Sudan, Masar iyo Liibiya

Ciidamada ka dagaalama dalka Suudaan ee loo yaqaano RSF (Rapid Support Forces) ayaa sheegay in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *