Faransiiska iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hogaamin doona shir heer sare ah oo Qaramada Midoobay ay qabaneyso toddobaadka soo socda, kaas oo diiradda lagu saarayo xal waara oo ku saleysan laba dowladood si loo dhameeyo colaadda u dhaxeysa Falastiin iyo Israa’iil.
Shirkan ayaa imanaya xilli wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in Faransiisku uu ku dhawaaqi doono tallaabo lagu aqoonsanayo dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah, taasookeentay hadal hayn diblumaasiyadeed oo xooggan.
Shirka ayaa sidoo kale la filayaa in ay ka qeybgalaan wadamo dhowr ah oo reer Galbeed ah oo ay ka mid yihiin UK, Canada iyo dalal kale, kuwaas oo daneynaya in xal laba dowladood ku saleysan dib loo cusbooneysiiyo.
Xalka laba dowladood ayaa muddo dheer ahaa midka ay beesha caalamku si weyn u taageersanayd, hase yeeshee waxaa hor istaagay caqabado ay ka mid yihiin xasillooni darrida gudaha Falastiin, ballaarinta guryaha Israa’iil iyo kala qeybsanaanta siyaasadeed.