Ciidamada ka dagaalama dalka Suudaan ee loo yaqaano RSF (Rapid Support Forces) ayaa sheegay in ay qabsadeen aag muhiim ah oo istiraatiiji ah oo ku yaalla xagal saddex-geesood ah oo xudun u ah xuduudda Sudan, Masar, iyo Liibiya, kaddib markii ciidanka milateriga rasmiga ah ee Suudaan ay halkaas ka baxeen.
Ciidamada Suudaan ayaa sheegtay in tallaanbada ay kaga baxeen aagan ay qeyb ka yahay tallaabooyin difaac oo lagaga hortagayo weerarro cusub, sida uu sheegay afhayeenkooda Nabil Abdallah.
Ciidamada Kooxda RSF ayaa qabsashadooda ku sheegtay guul istiraatiiji ah, iyaga oo sheegay in ciidamada dawladda Suudaan ay gaadhsiiyeen jab weyn oo laxaad leh, isla markaana iyaga oo khasaare weyn qaba ay ay deegaankaas uga baxeen dhanka koonfureed.
Ciidamada Suudaan ayaa sidoo kale ku eedeysay ciidamada Jeneraal Khalifa Haftar ee bariga Liibiya inay weerar kusoo qaadeen xadka iyagoo garab siinaya RSF, taasoo ah markii ugu horreysay ee si toos ah loo eedeeyo Liibiya inay si militari ah uga qeyb qaadatay dagaalka Suudaan.
Dowladda Suudaan ayaa sidoo kale ku eedeysay dawladda Imaraadka Carabta (UAE) in ay taageero toos ah siinayso kooxda ciidamada RSF, iyagoo ku tilmaamay falka “xadgudub sharci ku ah dalka Suudaan iyo qawaaniinta caalamiga ah ba, kaas oo ay ku tilmaameen iskuday lagu carqaladeynayo Suudaan.
Post Views: 3