Puntland oo diiday ka qeyb galka Gogosha qaban qaabadeeda socoto

Dowlad gobolkeedka Puntland ayaa ka hadlay gogosha qaban qaabadeeda socoto oo ay isku arki doonaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada, Mucaaradka iyo qeybaha Bulshada.

Wasiirka Caddaalada dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin gogosha qaban qaabadeeda ay ka socoto magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay inta ay jiraan qoddobada la isku khilaafsan yahay sida Dastuurka iyo Doorashooyinka in aysan jiri karin Madal la wada fadhiisan karo

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli Dhowaan Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya sheegay in 15 bishaan June qabsoomi doonto gogosha.

Check Also

RSF oo Qabsatay Aag Istiraatiiji ah oo ku yaalla Xuduudda Sudan, Masar iyo Liibiya

Ciidamada ka dagaalama dalka Suudaan ee loo yaqaano RSF (Rapid Support Forces) ayaa sheegay in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *