*Maskaxda banii’aadamka waa hantida ugu qaalisan ee uu leeyahay. Waa halka ay ka dhashaan fikradaha cusub, hal-abuurka, go’aan qaadashada, iyo horumarka nololeed, shaqsiyadeed ama bulsho Laakiin haddii maskaxda lagu xannibo fikirro aan faa’iido lahayn sida cabsida joogtada ah, xumaan-raadis, muran aan micno lahayn, cadiifad ama isku-day,la,aan is-daba joog ah ee nafta, waxaa meesha ka baxa awooddii wax-qabad ee qofka.
*1: Maxaa Dhaca Marka Maskaxdu ku Xanimanto meel aan faa’iidolahayn?*
– Garashadaada waxay ku wareegtaa hal meel oo aan wax horumar ah keeni karin.
– Maskaxdaadu waxay noqotaa mid ku mashquulsan wax aan xal lahayn, taasoo keenta daal maskaxeed iyo niyad-jab.
– Waxaad lumisaa kartida aad ku arki lahayd fursadaha wanaagsan ee nolosha.
– Wakhti iyo tamar ayaa kaa luma adigoo aan keenin qorshe sugan iyo jihayn,
* 2: Maxay Tahay Muhiimadda In Maskaxda Laga Shaqaysiiyo?*
– Marka aad maskaxdaada furto, waxaad aragtaa xalal cusub, waxaadna keeni kartaa hal-abuur la taaban karo.
– Fikirka wanaagsan wuxuu kordhiyaa kalsoonida, go’aan qaadashada saxda ah, iyo horumar dhab ah.
– Maskaxda firfircoon waxay kaa caawisaa inaad fahamto dadka kale, ka faa’iidaysato wakhtiga, kana gudubto caqabadaha. iyo Xannibaadda,
*3: Sidee Looga Shaqaysiiyaa Maskaxda?*
– *Aqris & Barasho:* Waa furaha garashada. Maalin kasta waqti u hel wax-akhris iyo wax-barasho.
– *Fikir wanaagsan:* Ka fogaaw fikirro aan wax tarayn, u beddel kuwa wax dhisaya.
– *La-talin & Dood:* La sheekayso dadka kartidaiyo aqoonta leh si aad u qaabayn karto fikradaha.
– *Fadhi-qoris -Meditation:* Waxay dejisaa maskaxda, waxayna fureysaa faham cusub.
– *Ka tag waxa aanad beddeli karin:* Maskaxda ku furo waxa aad wax ka qaban karto.
*Gabagabo & Dhiirigelin:*
Haddii maskaxdaadu ku xayiranto meel madow, noloshaada oo dhan ayaa hoos u dhacda. Laakiin haddii aad oggolaato in maskaxdaadu noqoto mid furan, firfircoon, oo ka shaqeysa xal iyo horumar, waxaad gaari kartaa heerar sare oo nololeed, bulsho iyo ruuxi ah.
 Muqdisho News
Muqdisho News 
				