Maamulka Puntland oo sii daayay 26 kalluumeysato ah u dhashay dalka Yemen

Maamulka Puntland ayaa sii daayay 26 qof oo kalluumeysato dhalatay dalka Yemen oo ku dhowaad hal bil lagu hayay xabsi ku yaalla deegaannada Maamulkaasi.

Kalluumeysatadan oo saarnaa markabka Maymoon-1, ayaa la qabtay 14-kii May 2025, kadib markii la arkay iyaga oo si sharci darro ah uga kalluumeysanaya Biyaha Soomaaliya.

Ka dib xarriga Kalluumeysadan, Dowladda Yemen ayaa waday dadaallo lagu sii daynayo, iyaga oo si dhow ula shaqeynayay Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta garsoorka Puntland ayaa go’aansaday in la cafiyo Kalluumeysatada, dibna loo siiyo xurriyadooda.

Kalluumeysatadii la sii daayay ayaa si nabad ah ku gaaray dekedda Al-Sheher ee Yemen, halkaasi oo ay si diirran ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta Dowladda iyo qoysaskooda.

Check Also

RSF oo Qabsatay Aag Istiraatiiji ah oo ku yaalla Xuduudda Sudan, Masar iyo Liibiya

Ciidamada ka dagaalama dalka Suudaan ee loo yaqaano RSF (Rapid Support Forces) ayaa sheegay in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *