Kuuriyada Waqooyi oo war kasoo saartay weerarkii Mareykanka ee Iiraan

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa si kulul u cambaareysay weerarka Mareykanka ku qaaday xarumaha Nukliyeerka Iiraan, iyada oo ku tilmaamtay mid si cad ugu xadgudbay Axdiga Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeeyey lsraaโ€™iil inay hurineyso xiisadaha gobolka, iyada oo taageero iyo dhiirigalin ka helaysa waddamada Reer Galbeedka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Kuuriyada Waqooyi ay ka xuntay in lagu xad gudbay madax-bannaanida dhuleed ee Iiraan.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Dunida in ay cambaareeyaan weerarka cad ee Mareykanka iyo Israaโ€™iil.

Kuuriyada Waqooyi iyo Iran ayaa muddo dheer lahaa xiriir dhow, waxaana lagu tuhmaa in ay iska kaashadaan horumarinta tignoolajiyada ciidan.

Check Also

10 Dabeecadood oo Lagu Garto Dadka Caqliga Badan

1. Waa kuwa aamusnaan badan โ€“ Dadka caqliga badan ma hadlaan mar kasta; halkii ay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.