Ganaaxyada Kala Duwan ee Lagu Dhaqan Gelinayo Mashruuca Marinada Magaalada Jigjiga

Ujeeddo: Kor u qaadidda nadaafadda, bilicda magaalada, iyo badqabka dadka iyo gaadiidka — iyadoo la adkeynayo dhaqangelinta xeerarka la xiriira isticmaalka marinada magaalada Jigjiga.
✅ Ganaaxyada Dadka (Lugta ah)
1. Qofka dhex mara cawska (lawns/grass areas) – 1,000 ETB
2. Qofka ka tallaaba waddada meel ka baxsan zebra crossing – 300 ETB
3. Qofka ku lugeeya waddada laamiga ah halkii uu marin u mari lahaa marinnada dadka – 500 ETB
4. Qofka mara waddada loogu talagalay baaskiillada (bike lane) – 300 ETB
5. Qofka ku tuura qashin marinnada ama hareerahooda – 1,000 ETB
6. Qofka qaada ama durkiya agabka nadaafadda (desk bins) – 5,000 ETB
7. Qofka ka saxarooda ama ka kaaja meel ka baxsan musqulaha la oggol yahay – 1,000 ETB
🚴 Ganaaxyada La Xiriira Baaskiillada
8. Baaskiil maraya waddo aan loogu talagalin – 500 ETB
🚗 Ganaaxyada Gaadiidka
9. Gaadhi dul mara xariiqa huruudda ah (Yellow Line Violation) – 2,000 ETB
10. Gaadhi ku wareega xariijinta huruudda ah (Yellow Box/Line Turn Violation) – 4,000 ETB
11. Gaadhi lagu dhaqo (maydho) waddooyinka magaalada – 3,000 ETB
12. Bajaj si aan la oggolayn ku gala marinnada – 1,500 ETB
🏢 Ganaaxyada Meheradaha (Ganacsiyada)
13. Meherad dayacda nadiifinta cawska, dhirta ama qashinka ku xeeran ilaa 10 mitir – 3,000 ETB
14. Meherad aan samaysan agabka qashinka (desk bins) oo ku filan dadka macaamiisha ah – 10,000 ETB
📢 Ganaaxyada Xayeysiisyada
15. Qof ku dhajiya ogaysiisyo aan dijitaal ahayn (digital), boodhadh ama warqado wadooyinka ama dhismayaasha marinada – 1,500 ETB
🐄 Xoolaha iyo Deegaanka
16. Xoolaha dhex mara marinada dadweynaha – 1,000 ETB
17. Xoolaha Cuna Cawska ama Dhirta.
2000ETB ilaa 5000ETB
Waxaa laga qaadi magdhawga Geedka
🧹 Fariin Muhiim ah:

Muwaadinow, ilaali nadaafadda, bilicda iyo anshaxa guud ee caasimadda.

Badqabkaagu waa muhiim!

Waxaa naga go’an in aynu si wadajir ah u dhowrno deegaanka, u adeegsano marinnada si masuuliyad leh, iyo in aan la aqbalin waxyeelaynta hantida guud.

Check Also

Jubbaland President Pardons Senator Ilyas Gaboose After 15 Months of House Arrest.

After one year and three months under house arrest, Ahmed has tonight pardoned Senator Ilyas …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.