Fahad Yaasiin oo Ka Hadlay Magacaabista Taliyaha Cusub ee NISA.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa X ku sagootiyay Taliye Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, isaga oo sidoo kale soo dhaweeyay magacaabista Taliyaha cusub Mahad Maxamed Salaad.

Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in uu dhawr jeer la xiriiray Taliye Sanbaloolshe muddadii uu xilka hayay, isla markaana uu uga mahadcelinayo xushmaddii iyo qadarintii dhex martay.

Sidoo kale, waxa uu hambalyo u diray Taliye Mahad Salaad oo mar labaad loo magacaabay xilka Taliyaha NISA, isaga oo ku soo dhaweeyay mas’uuliyadda cusub ee Hay’adda NISA.

 

Check Also

10 Dabeecadood oo Lagu Garto Dadka Caqliga Badan

1. Waa kuwa aamusnaan badan – Dadka caqliga badan ma hadlaan mar kasta; halkii ay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.