Dowladda Soomaaliya oo tijaabo ku billaawday diyaaradaha Turkiga siiyay

Dowladda Soomaaliya ayaa tijaabo ku billaawday diyaaradaha casriga ah ah ee Atak ah, kuwaasi oo dhawaan Turkiga ku wareejiyay Ciidamada Cirka Soomaaliyeed.

Diyaradaha ayaa la arkayaa iyaga oo dul heehaabaya Saldhiga Turkisom ee Ciidamada Turkiga ku tababaraan ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale, Diyaaradaha ayaa lagu arkay furimaha hore ee dagaalka ka dhanka AS, iyaga oo taageeraya ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka.

Turkiga ayaa bilaabay fulinta heshiis difaac oo uu la saxiixday Soomaaliya bishii Febraayo 2024, kaasoo qeyb ka ah taageero ay ku bixineyso tababarka iyo dhismaha ciidan xooggan.

Dhowr duuliye Soomaali ah ayaa Turkiga ku soo dhameystay tababar diyaaradaha dagaalka ee Atak, kuwaasoo haatan la keenay Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taageeradan milateri ayaa imaneysa xilli ay Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheeyay 2026, kuwaasi oo dowladda qorsheynayso in lagu billaabo Golaha Deegaanka.

Check Also

RSF oo Qabsatay Aag Istiraatiiji ah oo ku yaalla Xuduudda Sudan, Masar iyo Liibiya

Ciidamada ka dagaalama dalka Suudaan ee loo yaqaano RSF (Rapid Support Forces) ayaa sheegay in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *