Dhaqaatiirta ma jecla in sirtaan dadka ay ogaadaan laakiin anigaa kuu sheegayo.

Toonta waa dhir dabiici ah oo ay dadka u adeegsadaan inay cuntada dhadhan iyo eedaan uga dhigaan balse waxaa jira wax intaa dhaafsiisan oo Toonta xambaarsan tahay.
Dalka Japan ayaa ah dalka loogu isticmaal badan yahay aduunka dhan waxayna u yaqaanaan daawada dhulka.
Sirta ku jirto Toonta waa maado la dhaho Allicin taasoo daawo ah jirkana muhiim u ah taasoo laga helo Toonta.
Faaidada caafimaad ee toonta.
1) Xanuunada wadnaha ayay ka hortagtaa daawana u tahay.
2) Cholesterol ka ayay daawo u tahay ” dufinta dhiiga raaca kasoo halis ah haday xiraan xididaha dhiiga qaada.
3) Dhiig karka ayay daawo u tahay .
4) Sokorta ayay xakamaysaa .
5) Caabuqa ayay la dagaalantaa .
6) Lafaha ayay caafimaad u tahay .
7) Dareenka raganimada ayay sare u qaadaa.
Maqaarka ayay u wanaagsan tahay oo hadad mudo bil ah isticmaasho jirkaaga ayaa soo ifaya dhaldhalal oo qof yar u ekaanaysaa.
9) Kilyaha ayay daawo u tahay.
10) Maxad ku daraysaa oo ka dhiman oo an ka ilaaway?
Hal xabo toon oo aad habeenkii markad seexanayso cunto ayaad intaan oo faaido ah ka helaysaa ama ad ku cunto cuntada.

La soco in toonta cayriinka ah ay mar waliba ka faaido badan tahay mida dabka la saaray.

Check Also

10 Dabeecadood oo Lagu Garto Dadka Caqliga Badan

1. Waa kuwa aamusnaan badan – Dadka caqliga badan ma hadlaan mar kasta; halkii ay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.