Dagaal Xooggan oo ka Socda Sabiib iyo Caanoole – Ciidamada Dowladda iyo ATMIS oo Gudaha u Galay Magaalad

Wararka naga soo gaaraya degmada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka aroortii hore ka qarxay, kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee ATMIS (horey loogu yiqiin Amisom), iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa ATMIS ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen qeybo badan oo magaalada ah, iyadoo la sheegay in dagaalka uu bilowday salaaddii subax ilaa haddana uu si xooggan u socdo.

Duqeyn Diyaaradeed

Dhinaca kale, diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fulinaya duqeymo cir oo lala beegsanayo fariisimada kooxda Al-Shabaab. Goob joogayaal ayaa sheegay in gantaallo culus lagu garaacay meelo lagu tuhunsan yahay in ay ku sugan yihiin xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta.

Al-Shabaab ayaa iyaguna si xooggan uga hortagaya weerarka, iyagoo isticmaalaya hub culus iyo miinooyin ay dhigeen waddooyinka magaalada.

Xaaladda oo kacsan

Xaaladda magaalada Sabiib iyo Caanoole ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo rasaas xooggan iyo qaraxyo laga maqlayo qaybo badan oo degmada ah. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka illaa hadda, maadaama dagaalku wali socdo oo aan la helin faahfaahin rasmi ah oo ay bixiyeen saraakiisha ciidamada.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa xaaladda, waxaana laga sugayaa war rasmi ah oo kasoo baxa talisyada ciidamada dowladda iyo ATMIS.

Check Also

RSF oo Qabsatay Aag Istiraatiiji ah oo ku yaalla Xuduudda Sudan, Masar iyo Liibiya

Ciidamada ka dagaalama dalka Suudaan ee loo yaqaano RSF (Rapid Support Forces) ayaa sheegay in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *