SOMALI NEWS

Dagaal culus oo ka socda gudaha degmada Caabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo gudaha magaalada. Dagaalka ayaa salka ku haya muran la xiriira dhismaha saldhig Boolis oo laga wado magaalada, kaas oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan ka taagnaa. Maleeshiyaad ka soo horjeeda dhismaha saldhigga iyo ciidamada amniga oo taageero ka helaya dad kale oo …

Read More »

Duqeyn culus oo laga fuliyay guri ku yaala Aadan Yabaal

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay guri ku yaala degmada Aadan Yabaal, halkaasi waxaa la sheegay inuu shi ugu socday horjoogayaasha iyo dagaalameyaasha Al-shabaab. “Howlgal culus oo ay si wadajir ah u …

Read More »

Booliiska Muqdisho oo xabsiga dhigay Askar iyo Shacab ku eedeysan qal qalgalin amni

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta guud ee Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha kale ee Amniga Caasimadda Muqdisho ayaa lagu soo qabtay ragaan oo isugu jira shacab iyo askari ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo ku eedeysan inay jebiyeen amarkii lagu mamnuucay in rasaas loo adeegsado dabaal-degyada maalmaha xorriyadda.   Taliska Qeybta Guud …

Read More »

Munaasabadda 26 June oo Xalay lagu qabtay Muqdisho iyo gobolada dalka

Magaalada Muqdisho iyo inta badan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu qabtay munaasabado loogu dabaaldagayay 65-guuradii kasoo wareegtay markii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeystihii Ingiriiska oo ku beegneyd 26-kii june ee sanadkii 1960-kii. Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa waxa kasoo qeyb-galay madaxda sare ee dalka, xildhibaanada labada aqal, saraakiil ciidan, ururrada bulshada rayidka ah, iyo …

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in loo midoobo Midnimo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda ayaa ka qeyb galay Munaasabada 26 June ee Xurriyada gobollada Waqooyi.   Madaxweynaha ayaa xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan …

Read More »

Shir u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo goordhaw furmay

Shir u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya. War kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sii wado kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho uuna maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweynayaal …

Read More »

Kenya oo ciidamo farabadan dhigtay wadooyinka waa weyn

Dalka Kenya ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo kacsan maanta, iyadoo in ka badan hal milyan muwaadiniin ah ay isu diyaariyeen inay ka qaybqaataan banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dawladda, gaar ahaan canshuuraha cusub ee lagu soo rogay shacabka.   Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa muujiyay cabsi iyo walaac xoogan oo ku aaddan mudaharaadyada rabshadaha wata ee maanta ka …

Read More »

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wadahadlay iskaashi dhinaca Difaaca ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.   Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinaca Difaaca ee labada dal iyo dardar galinta dagaalka AS.   Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka Shiinaha ka qaadan karo Amniga Soomaaliya gaar ahaan taageerada Howlgalka Midowga Afrika ee …

Read More »

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka bariga dhexe

Dowladaha Iiraan iyo Mareykanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xabbad joojinta lagu baaqayo in lagu soo afjaro dagaalka socda 12 maalmood.   Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Israel iyo Iran ay oggolaadeen xabbad-joojin billaabaneysa Talaadada.   Trump ayaa sheegay in heshiiskan la filayo inuu calaamad u noqdo dhamaadka dagaalka laga cabsi qabo inuu ku faafo Bariga …

Read More »

Soomaaliya oo si kulul u cambaareeysay weerarkii Iran ee Qatar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii ay dowladda Iran ku qaaday Saldhigyada Ciidanka Mareykanka ee ku yaalla dalka Qatar.   War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay si buuxda u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Qatar.   “Waxaan si hagar la’aan ah u garab taagan nahay madaxbannaanida, amniga, iyo midnimada …

Read More »
Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.