ARTICLES

Policy and International Airlines Ransom

Pakistan owes $83 million to international airlines. The money sits locked in the country’s accounts while foreign carriers wait for payments they earned from ticket sales and operations. It is revenue that airlines need to pay their own bills and keep flying. The International Air Transport Association says Pakistan is one of just ten countries holding back over 80 percent …

Read More »

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar.

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah oo lagu dooranayey xildhibaanada kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kala ah Hop097 iyo Hop098. Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee  Hirshabeelle, bulshada rayidka ah, iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta la dooranayey, Nabadoon Axmed Maxamuud Cosoble. Waxaa doorashada ka qeyb galay 101 …

Read More »

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka lix kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, kaddib markii uu dumay dhisme uu shaqadiisu ka socotay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Goob-joogayaal  ayaa sheegay in birihii shubka ee lagu dhisayey guriga ay go’een, taasi oo keentay in dhismuhu si lama filaan ah u dumay, iyada oo ay shaqaale badan ku sugnaayeen …

Read More »

MW Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay waqtiga la qaban doono Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada, taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho 15-ka Juun 2025. Go’aankan ayaa ka dhashay wadatashiyo dhowr ah oo uu madaxweynuhu la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka, madaxda dowlad-goboleedyada, ururada siyaasadeed, iyo bulshada rayidka, si loo …

Read More »

Diyaarado dagaal oo xalay duqeyn ka fuliyay saldhigyo Daacish ay ku leeyihiin Gobolka Bari.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Mareykanka ayaa xalay duqeyn culus ka fuliyay meel u dhow Togga Miraale ee gobolka Bari, halkaas oo ay firxadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish kadib markii ay ciidamada Puntland si buuxda ula wareegeen toggaasi. Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha hore ayaa sheegay in ay maqleen jug xooggan oo ka dhacday dhanka koonfureed ee …

Read More »

Taliyaha NISA oo markale loo magacaabay Mahad Salaad.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad. Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo …

Read More »

Fahad Yaasiin oo Ka Hadlay Magacaabista Taliyaha Cusub ee NISA.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa X ku sagootiyay Taliye Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, isaga oo sidoo kale soo dhaweeyay magacaabista Taliyaha cusub Mahad Maxamed Salaad. Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in uu dhawr jeer la xiriiray Taliye Sanbaloolshe muddadii uu xilka hayay, isla markaana uu …

Read More »

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn laga fuliyey Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa fulisay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Khawaarijta ah ee ISIS-Somalia, kuwaas oo halis weyn ku ah amniga gudaha Soomaaliya iyo danaha saaxiibada caalamiga ah. Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, iyadoo lagu beegsaday bartilmaameed 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka …

Read More »

Madaxweyne Qoor Qoor oo u Jawaabay mucaaradka” Xisbi siyaasadeed furto, dadkiina Aamina”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si adag ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliilaha u jeediya maamulka, isaga oo ugu baaqay in ay qaataan siyaasad mas’uuliyadi ku dheehan tahay oo horseedda hannaanka dimuqraadiyadeed. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa yiri “Haddii aad tabasho leedahay, xisbi siyaasadeed furto. Dadkiina u sheeg waxa aad qabateen. Tabasho joogto ah iyo ‘looma …

Read More »