Axmed Madoobe iyo Saciid Dani oo Garoowe ku kulmaya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta lagu wadaa inuu safar ku tago magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Booqashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa imaneysa xilli ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo la filaaayo in ka wada hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maqnaa fadhiyadii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran, taasoo muujisay khilaaf sii xoogeysanaya oo ka dhexeeya dowladda Federaalka.

 

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo la filayo in dhowaan la isugu yeero fadhi kale oo Golaha Wadatashiga Qaran ah,

Check Also

10 Dabeecadood oo Lagu Garto Dadka Caqliga Badan

1. Waa kuwa aamusnaan badan – Dadka caqliga badan ma hadlaan mar kasta; halkii ay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sahifa Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.