Saturday, April 19th, 2014

Gabdho Soomaali ah oo lagu Xukumay Maxkamadda Magaalada Gaarisa

Wararka ka’imaanaya Magaalada Gaarisa ee Xarunta Gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya ayaa sheegaya in Shalay Labo Gabdhood oo Soomaali ah Maxkamad lagu soo taagay kadib markii si Sharci darro ah ay ku Socdaalayeen.

Labada Gabdhood ayaa waxaa lasoo taagay Maxkamadda Magaalada Gaarisa waxaana lagu Xukumay min dhowr maalin oo Xarig ah ama Xoogoo Lacag ah oo Ganaax ah.

Kadib marka ay Xukunkaas dhameystaan ama ay iska Gattaan waxaa lagu Celin doonaa Xeryaha Qaxootiga ama waxaa laga Talaabin doonaa Xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa Xilli amaan Meelaha laga soo galo wadanka Kenya aad loo adkeeyay, kadib Qaraxii Xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee Magaalada Nairobi oo ay Al-Shabaab ku Faaneen.

Nagula soo Xiriir Wararka@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>