Faroole oo Afkiisa isku fashiliyay + DHAGEYSO Falaanqeynta Puntland
Iyadoo muddooyinkaanba ay khilaafaad siyaasadeed ka jireen Siyaasadda Puntland ayaa Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA wexey ka sameysay Barnaamij aad u xiiso badan.
Barnaamijka Falaaqeynta ayaa Todobaadkan waxaa lagu faaqiday VOA Siyaasadda Puntland, wexeyna soo gudbiyeen Wareysiyo door ah oo Shaqsiyaad can ah ay la yeesheen.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo horey u sheegay in Madaxtinimada Puntland loo doortay muddo 5 sano ah ayey VOA soo gudbisay isagoo hadlaya markii loo doortay madaxtinimada wuxuuna Leeyahay “ Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wakiilada Puntland oo cod buuxa igu siiyay in aan qabto Xilka madaxtinimada Puntland 4-ta sano ee soo socota”.
Waxaa sidoo kale xiligii Faroole la doortay ka hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana uu yiri “ C/raxmaan hadii uusan Amaanka Xaqiijin 4-ta Sano ee soo socota waxaa laga yaabaa in uusan dhameysan”.
Hadaba Hadaladaasi wexey cadeynayaan in Faroole loo doortay Xilka Madaxtinimada 4 Sano Balse uu isagu sanad Shanaad ku darsanayo.
Faroole wuxuu sheegay in muddo sanad ah ay xilka uga harsantahay wexeyna noqoneysaa in uu doonayo in xilka uu hayo 5 Sano.
Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Wararka@hotmail.com







