Saturday, April 19th, 2014

Xiisad dagaal oo saaka ka taagan Buuraha Galgala iyo ciidamo gaaray

Xiisado dagaal oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo Alshabaab ayaa lasoo sheegayaa inay ka taagan tahay Buuraleyda galgala ee gobolka Bari.

Sida wararka ay sheegayaan xiisada ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamada maamulka Puntland ay galeen buuraha Galgala ee gobolka Bari ,halkaasi oo ay ku xoogan yihiin ciidamada Sheikh Atam ,oo Alshabaab xiriirka la leh.

Dadka deegaanka ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi xoogan oo ku aadan in saameyn ya ku yeeshaan dagaalka dhexmara ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada Alshabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka  ayaa Muqdishonews.com u sheegay in ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Puntland ay gudaha u galeen buuraha Galgala taasi oo dhalisay xiisada ka taagan deegaankaasi.

Arintaan ayaa kusooaadeysa iyadoo maalin ka hor ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay weerar kala kulmeen ciidamada Alshabaab ee kus ugan deegaanka maamulka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>