UNICEF oo cambaareysay askareynta caruurta aan qaan gaarin

Inta Akhrisatay :7514

Hayada qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ayaa ugu baaqday mucaaradka dalka jamhuuriyada Africa-da dhexe iyo dowlada dalkaasi,inaysan askareyn caruurta yaryar si aysan kaga qeyb qaadan dagaalada u dhaxeeya mucaaradka iyo dowlada.

UNHCR,ayaa ugu digtay mucaaradka dalkaasi inay askareeyaan caruurta yar,maadaama inta badan ay la wareegeen gacan ku heynta magaalooyin ku yaala dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe.

Souleymane Diabate,oo ah afhayeenka hayada UNICEF ee dalka Afrikada dhexe ayaa sheegay inay ilo xog ogaal ah ka helaan wararka sheegaya in ciidamada dagaalamaya ay askareynayaan caruurta dalkaasi si ay kaga qeyb qaataan dagaalka ka socda.

UNICEF waxay cambaareynaysaa ayuu yiri in caruurta aan qaan gaarin la askareeyo si ay kaga barbar dagaalaman dhinacyada dagaalamaya islamarkaana ay qaadaan hubka iyo waxyaabaha aan awoodooda aheyn.

Wuxuu sheegay in waxii ka dambeeyay bishii lasoo dhaafay ee December in ku dhawaad 2,500 oo caruur ah lagu shirqoolay inay ka mid noqdaan askarta dowlada iyo mucaraadka.

Shannon Strother, madaxa arimaha degdeg ee UNICEF ee dalka CAR ayaa u sheegtay Aljazeera in waxii ka dambeeyay markii ay isku dhacyada ka bilowdeen dalkaasi ay sii kordhayeen askareynta caruurta.

“Waxaan helaynaa xog ah sii kordhida caruurta la askareynayo eek u sugan dalka haba ugu badnaatee magaalada Bangui”ayay tiri Shanon Strother.

Inka badan 300,000 oo caruur ah oo ku nool dalka jamhuuriyada afrikada Dhexe ayaa la sheegay inay saameyn ku yeesheen dagaalka ka soo cusboonaaday dalkaasi iyo caqabadihiisa.

Waxay qasabtay taasi inay kala lumaan waalidiintooda,inay la kulmaan barakac deegaankooda aan aheyn,waxbarasho la’aan iyo heletaanka adeegyada caafimaadka ayaa lagu yiri war kasoo baxay UNICEF.

“Waxaan markale cambaareynaynaa caruurta lagu qasbay barakaca oo waalidkoodii kala do’een taasi oo dhalisay inay wadooyinka ku noolaadaan,oo ay shirqooleen ciidamada mucaraadka”.ayay tiri Shannon

UNOCHA ayaa sidoo kale cambaareysay sii kororka dadka ka barakacaya deegaanada qay qabsadaan kooxaha mucaaradka dalkaasi.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

boko-haram Dhagayso:Qeybta koowaad Taariiqa Aasaska kooxda Boko Haram
- May 18, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
2013222213459142621_8 Dowlada Kenya oo fariin ku aadan ka qeyb qaadashada dagaalka shabaab u dirtay Nigeria.
- May 18, 2013
Madaxweynaha cusub ee bishii April ee sanadkaan 2013 shacabka Kenya door bideen inuu daadihiyo ...
magaalada-kismaayo Arimaha ka taagan Kismaayo oo aragtiyo laga bixiyay iyo hadalka Daahir Ciiro
- May 18, 2013
Deeganada Jubbooyinka oo xilagan uu ka taagan yahay khilaafka dhanka maamulka ah ayaa waxaa ...
13614 C/Naasir Seeraar oo eedeeyay gudi dowlada ay u magacaawday arimaha Jubbooyinka
- May 18, 2013
Masuuliyiinta maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa eedeen ujeediyay Wafdiga Xukuumadda ay udirtay magaalada ...
KISMAAYO Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo wadahadal la leh maamulka Kismaayo
- May 18, 2013
Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD ee maanta  ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada ...
index Muwaadin Somaliyed oo toorey ku dilay askari oo xukun lagu riday
- May 18, 2013
Mohamed Abdulkadir Osman,Waa muwaadin Soomaali Britain ah,waxaana lagu eedeeyay fal ah inuu Aalada tooreeyda ...
Ruto Kenya oo danaheeda darteed u dalbatay in la kordhiyo ciidamada AMISOM
- May 18, 2013
Sida uu baahiyay Jaraa’id ka soo baxa dalka Kenya madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ...