Friday, April 18th, 2014

Talaabo cad oo la sheegay in laga qaadayo dadka ku labista dareeska ciidanka

Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaa ku celceliyay waxka qabashada dadka ku labista dareeska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ,iyagoo sheegay inay wax badan ka qaban doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay in kama dambeys ay soo saareen amaro ah inaan la isticmaali karin ,lana iibin karin dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Difaacada dalka ayaa sheegay in dowlada aysan u dulqaadan doonin in suuqyada magaalada Muqdisho lagu iibiyo hubka iyo dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada si ay kaga hortagto arimahaasi ay sameyn doonto ciidamo dhar cad ah oo kormeeraya suuqyada magaalada Muqdisho,sida uu sheegay wasiirka difaaca dalka Soomaaliya.

Wuxuuna ugu dambeyn sheegay in talaabo cad laga qaadi doono dadka ka gacasada dareeska ciidamada dowlada iyo hubka sida uu ku celceliyay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>