Wednesday, August 20th, 2014

Shirweynihii 6aad ee GOS oo lagu doortay Guddoon Cusub + daawo SAWIRRO

Guddiga Olombikada Somaliyed oo Doorashadii 6-aad ku doortay Guddomiye iyo Ku xigeenadiisa.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Jaziira degmada Wadajir ee magalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaliyeed ku xigeenadisa iyo xubnaha guddiga Olombikada.

Doorashadaan oo ahayd qaab gacan taag ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo codka bixinaayay xiriirada Soomaliyeed ee hoos taga guddiga Olombikada,Ururada Isboortiga iyo qeybaha Gobolada waxaana halkaas soo xaafiray ilaa 18 oo leh codadka doorashada Maanta waxaase codka bixiyay ilaa 17 Xiriiro,Ururada isboortiga iyo qeybaha kala duwan waxaana aan codeen xiriirka Shataranjiga ama Iskaakada oo GUddoomiyaha xiriirkaas Axmed Cabdi Xasan Wataac uu ahaa musharax.

Guddi ayaa loo magacaabay Doorashada Guddiga Olombikada Somaliyeed waxaana guddoomiye u ah Xaaji Maxamed Coloow,waxaana kamid ahaa Xaawo Taako oo kamid ahayd ciyaartooydii hore ee dalka somalia kadib ayay ku dhawaaqeen in doorashada ay tahay hab gacan taag ah oo aan qarsoodi sanduuq ahayn.

Kadib ayaa la guda galay codeeynta Waxaana guddoomiye isku soo sharaxay C/laahi Axmed Tarrabi oo horey u ahaa xoghayaha guud ee GOS waxaana guddoomiye ku xigeenka 1-aad isku soo sharaxay Axmed Cabdi Xasan Wataac oo ah Guddoomiyaha Shataranjiga,guddoomiye ku xigeenka 2-aad ayaa waxaa isku soo sharaxay Xasan Axmed Cabdi(Xasan Elman)halka ku xigeenka 3-aad uu isku soo sharaxay Ibraahin ABuukar Shaamo halka Xoghayaha guud uu isku soo sharaxay DUraan Axmed Faarax.

Cabdullaahi Axmed Tarabbi, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Somaliyed,Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Waxaa loo doortay Axmed Cabdi Xasan (Wataac), guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman), Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad Ibraahim Abuubakar Shaamo, halka xoghayaha guud loo doortay Duraan Axmed Faarax waxaana ay dhamaan hayn doonaan xilalkaas afarta sanno ee soo aadan haddii aysan samayn wax ka hor imaanaya Dastuurka ama aysan dhiman.

Xafladdaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir Dowlaha wasaaradda Horumarin iyo Adeegga Bulshada Maxamed Ismaaciil Barkhadle,wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Aweys Xadaad,Guddoomiyaha Gobolka Banadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Marti Sharaf kale.

Kadib markii la doortay guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ayuu hadal kooban oo uu halkas ka jeediyay Guddoomiyaha Olombikada Somaliyeed Qaaday C/laahi Axmed Tarrabi balan qaaday inuu hormarin doonno howlaha loo igmaday isla markaasna haddii ay wadi waayaan ay dib ugu soo celin doonaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa balan qaaday in uu la shaqeyn doonno bahda isboortiga isla markaasna uu kamid yahay isaga wuxuuna intaas raaciyay in isboortiga uu yahay mid ka qeyb qaata nabadaynta iyo is dhexgalka bulshada.

Sidoo kale Duraan Axmed  Faarax  Kusimihii Guddoonka GOS ahaana Guddoomiye ku xigeenkii 1aad oo haatan loo doortay Xogahaya Guddiga Olambikada  ayaa muujiyay siduu  ugu faraxsan  in Shirweynahan lagu doorto Guddoon Cusub oo uu Hogaaminayo Md. Tarabi wuxuuna ku booriyay dhamaan bahda Isboortiga inay si wadajir ah ula shaqeeyaan.

Khubaddii xeritaanka Shirweynahan  waxaa ka soo jeediyay Wasiir ku xigeenka wsaaradda Horumarinta Adeega Bulshada iyo Wasiiru-dowlaha wasaaradaasi Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Maxamuud Ismaaciil Barkhadle  oo ka dhawaajiyey inay soo dhaweynayaan doorashada sida habsamida ku dhacday waxayna xuseen in GOS howlahooda ay madax-banaan tahay isla markaana ay muhiim tahay inay kaashato Wasaaradda isboortiga,  Dhinaca kalena waxay ka dhawaajiyeen inay Guddoonka  cusub  ee GOS iyo Xiriiradaba  iskaashi  yeelan doonaan isla markaana ka wada shaqeynayaan sidii loo sii wadi lahaa geedi-socodka horumarinta Isboortiga dalka.

Ugu danbeyntii Shirweynahan ayaa waxaa ka qeybqaatay  9 Xiriir, 5 Zone iyo 4 Ururo isboorti. Waxayna ku doorteen Guddoon Cusub iyo  Xubnaha Guddiga Fulinta GOS ee 2013-2017. wuxuuna ku soo idlaaday jawi xiiso leh.

 

XUBNAHA GUDDIGA FULINTA GOS  

1.    Maxamed  Axmed Coloow

2.    Faadumo Cali  Nuur

3.    Ibraahim Xuseen  Cali [Roombo]

4.    Khadiijo Aadan Daahir

5.    Cali saciid Guuleed

6.    Abuukar isloow xasan

7.    Maxamed Xuurshe Xasan {Eenoow}

8.    Prof.  Maxamed Cali  Maxamed

9.    Cumar C/qaadir  Baarajab

10. C/Casiis Goodax Barre

11. Prof. Yuusuf Calasoow Maxamed

12. Xasan Axmed Barre.

W/D:Qoraa Sports Axmed Mooge.

Daawo Sawirrada

_MG_5940 _MG_5941 (1) _MG_5941 _MG_5943 _MG_5944 _MG_5945 _MG_5946 _MG_5948 _MG_5950 (1) _MG_5950 _MG_5953 _MG_5954 _MG_5956 _MG_5960 _MG_6001 _MG_6002 (1) _MG_6002 _MG_6005

 

 

 

Leave a Reply