Ruux isku ekeysiiyay Booliska dalka Kenya oo dambi lagu xelay lana xeray

Inta Akhrisatay :11024

Maxkamad ku taal Gobolka Naivasha ayaa ku soo eedaysay Nin hore darawal uga ahaan jiray bass inuu iska dhigay sarkaal boolis iyo iyadoo sidoo kale lagu helay dambiyo kale oo dhowr ah.

Joshua Karanjahi Wayganjo, waxa lagu soo oogay labo dambi oo ah bilays isku ekeeysiin, haysasho sharci-darro ah ee darayska bilayska iyo dhac, kuwaa oo dhammaantood uu beeniyay.

Waiganjo ayaa adeegsaday gaadiidka bilayska isla markaana raacay helikabtarka booliska leeyihiin, waxa uu ka qayb-galay kulamo booliska leeyihiin kuwaasi oo looga hadlayay arimaha amaanka.

Sidoo kale waxaa la sheegay inuu shaqada ka eryay askar kale oo heer hoose ahaa ,kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada booliska sidaasina waxaa qoray wargeyska The Standard.

Isagoo la hadlay Capital FM afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe,ayuu sheegay in arimaha qaar ee warbaahinta ay yihiin kuwo ay ka badbadiyeen laakiina qaarkood ay jiraan.

“Waa wax aad khalad u ah in la yiraahdo waxa uu qaadan jiray mushaar, waxa uu lahaa xafiis ama waxa uu isticmaali jiray gaadiidka bilayska,” ayuu yiri Kiraithe. “Arrinka ayaa waxa lagu hayaa baaritaan eedaysanahana waxa mar horeba la geeyay maxkamad.”

Dacwadda Waiganjo ayaa loo ballansan yahay in la dhageysto Arbacada ‘9-ka January’.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

Somalia Sacuudiga: Soomaaliya oo ka badisay Nigeria
- May 24, 2013
Soomaalida waxay ku qeybyihiin Nigeria oo ay xalay la cayaareen, Cameroon iyo Chad oo ...
images Kenya oo looga digay taageerada maamulka Jubbaland.
- May 24, 2013
Dowlada Kenya ayaa waxaa la weydiiyay inay dib kaga fakarto taageerada ay siinayso maamulka ...
asasd Siyaasiga Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji] oo Ku Dhawaaqay inuuu Yahay “Madaxweynaha” Jubbaland?
- May 24, 2013
Iyadoo maalinba maalinta kadambeysa ay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta ku dhawaaqaya inay yihiin madaxweynaha Maamulka ...
asada Dowlada Kenya oo laga dalbaday bilowga diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed.
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday inay dib u bilowday diiwaan gelinta qaxootiga ...
_67788422_018096031_ap Weeraro ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Niger iyo dad badan oo dhintay.
- May 24, 2013
Weeraro ismiidaamin ah ayaa waxay ka dhaceen xerooyin ciidamada meletariga ay leeyihiin oo ku ...
13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...