Waxaa faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxaysaa qarax lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala xerada Dhagaxleey ee gobolka NFD halkaasi oo la sheegay in gacanta laga tuuray.
Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku wada caweynayeen goob maqaayad ah oo ku yaal xeradaasi islamarkaana sidoo kale ay jireen dadka kale oo dhaawacyo ay soo gaareen.
Ciidamada Booliiska Kenya ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray kuwaasi oo durba halkaasi ka bilaabay baaritaano iyaga oo xir-xiray dhalinyaro meesha ka agdhaweyd.
Lama garanayo sababta ka dambeysay qaraxa iyo cida sida gaarka ah loogu danlahaa in lagu waxyeeleeyo qaraxaasi xalay ka dhacay xerada Dhagaxleey ee Gobalka NFD.
wa bentin