Thursday, April 24th, 2014

Ciidamada Dowladda oo ku hanjabay Saacado gudahood qabsan doonaan Baardheere iyo Buurdhuubo

Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deeganada Gobalka Gedo ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay udiyaargaroobeen dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah Saraakisha ciidamada Dowladda ee Gobalka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in hada uu socdo qorshayaal Shabaab looga saarayo Gobalka Gedo guud ahaan sidoo kalena lagala wareegayo deeganada Gobalkaasi ay ka joogaan.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay heegan buuxa ku jiraan ayna sugayaan kaliya amaro kaga yimaada dhanka Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya taasi oo ku aadan in amar lagu siiyo inay ku dhaqaaqaan deeganda Shabaab ay ka joogaan Gobalkaasi.

“Ciidamada Dowladda heegan buuxa ayeey ku jiraan amaro ayeeyna sugayaal waa ay dhaqaaqayaan waxaan rajeynaynaa in saacadaha soo socda aan la wareegno degmooyinka kala ah Baardheere iyo Buurdhuubo”Sidaasi waxaa yiri Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah saraakiisha ciidanka Dowladda.

Dhawaan Gobalka Gedo waxaa gaaray wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya kuwaasi oo soo kormeeray xaalada ciidanka ee Gobalkaasi mushaaraadna uqeybiyay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Gobalka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>