Friday, April 25th, 2014

Ruux hubaysan oo todobo ruux dulay kadib markii rasaas ku furay

Ruux hubeysan ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa meel u dhow caasimada dalka Filipiin ee manila,waxaana la sheegay inay ku dhinteen todobo ruux ,halka lix kale ay ku dhaawacmen,waxaana ka hor uu toogtay mid ka mid ah booliska magaalada.

Gabar yar oo todobo sano jir ah iyo haweenay uur leh ayaa qeyb ka ahaa dadka dhintay sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee dalkaasi Filipiin.

Booliska dalkaasi ayaa ku magacaabay shaqsiga dilka geystay Ronald bae waxaana ay sheegeen inuu aad u cabsanaa habeenkii xalay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay baadi goob ugu jiraan ruux kale oo bistoolad ku caawiyay shaqsiga dilka geystay.

Mr Bae ,ayaa laguu sheegay in horey uu ugu guuldareystay doorashooyin maxaliga ee xaafadaha ah dalkaasi.

Ilaa iyo hadda booliska ma aysan soo qabin ruuxa falkaasi ka dambeeyay,laakiin waxaa la sheegay in booliska walli ay baarayaan sida ay wax u dhacee.

Maita Lacorte ,oo deris la ah Ronald bae ayaa yiri :wuu soo cararay isaga oo watta qorigiisa ,waan u sheegay caruurteyda iyo iyo wiil aan awoowo u ahay inay ku cararaan guriga”

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>