Hayada MSF oo ka deyrisay xaalada qaxootiga ku sugan xeryaha dhadhaab

Inta Akhrisatay :4693

Hayada Dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ayaa ka deyrisay xaalada caafimaad ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerayaha Dhadhaab,waxaana ay sheegtay in dad badan oo Soomaali ay ku dhibaateysan yihiin halkaasi.

Hayada ayaa ka digtay in qaxootiga ay soo celinayso dowlada Kenya haddii ay kusii biiraan dadkaasi xaaladooda ay Qatar noqon karto.

MSF ,ayaa sheegtay in xaalada caruurta ku sugan xeryaha dhadhaab ay tahay mid aad u liidato oo u a baahan in wax laga qabto,kadib warsaxaafadeed kasoo baxay hayada.

Horaan bishii lasoo dhaafay dowlada Kenya ayaa go’aan dhamaan qaxootiga iyo dadka magan galyo doonka ah ay dib ugu laanbaan xeryaha qaxootiga ee dhadhaab iyo kaakuma.

Dowlada Kenya ayaa waxaa soo wajahay weeraro badan oo qaraxyo ,taasi oo ay u sababeysan in amni daradaasi ay ugu wacan tahay qaxootiga faraha badan oo ku sugan dalkeeda.

Hayada ayaa warkeeda qoraalka ah waxay ku sheegtay in inka badan 90.000 oo qaxooti Soomaali ah ay ku sugan yihiin xerada dhadhaab iyadoo ay sheegtay in haddii Soomaalida ku sugan Nairobi ay ku biiraan xeradaadi ay kasii dareyso.

Waxay sidoo kale ay sheegtay hayada in taasi ay sii horseedi karto sii xumaanshaha xaaladaha aadanaha iyo sii kororka caafimaad darada.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ahmed says:

    War ilaa qiyaamaha laga gaaraayo, dawarsi miyaan ku jireynaa.Alle (s.w.t)wuxuu nasiiyay labo wabi, dhul ubug ah iyo bad kaluun ka buuxa ee dulinimada hala iska daayo.BIYO SACABADAA AYAA LAGAGA DHARGAA.




Wararkii U Danbeeyay

2 Ururka kobciye Community centre oo Shir Lagu Mideynayo Soomaalida degan Islii Qabtay
- May 20, 2013
Waxaa shalay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ka dhacay xaflad si wayn loo ...
boko-haram DHAGAYSO:Qeybta Seddexaad ee Taariiqda Boko Haram
- May 20, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
Shinaha Shiinaha iyo India oo ka wada hadlay xiriirka labada wadan iyo hishiisyo ganacsi oo dhexmara.
- May 20, 2013
Ra’iisul wasaaraha Shiinaha Li Keqiang, ayaa maanta ka sheegay magaalada Delhi ee dalka India ...
asad Ciidamo boolis ah oo dhar lala yaabo xeran oo saaka lagu arkay Kismaayo
- May 20, 2013
Ciidamo badan oo ka tirsan booliska ayaa la sheegayaa in saaka magaalada lagu arkay ...
images Madaafiic xalay lagu gaaracay madaxtooyada iyo xaafado aan laga hurdin.
- May 20, 2013
Habeenimadii xalay waxaa dhawaqa madaafiic xoogan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ...
13651 Alshabaab: Dhibaatada ka taagan deegaanada Jubbooyinka waxaa masuul ka ah…..
- May 20, 2013
Ururka Al-Shabaab ayaa markii uhu horeysay ka hadlay dhibaatada iyo xaalada la isla mari’ ...
Amisomk Gaadiid AMISOM ay leeyihiin oo wadada loo galay iyo dagaal dhacay
- May 20, 2013
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Shalanbood ee Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka ...