Hadal ka farxin kara dhalinta jecel Tahriibka oo kasoo yeeray wasaarada arimaha dibada

Inta Akhrisatay :28860

Wasaarada arimaha dibbada xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed ku gaarta dalalka dibbada ah oo ay u tahriib tagaan.

Maxamed Nuur Gacal, wasiiru dowlaha arimaha dibada xukuumada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaarada aad kaga xun tahay dhibaatada dalalka deriska ay kala kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu xusay in dhawaan wasaarada ay qaadeyso talaabo dhalinyaradaasi looga yaren doono u hanqal taagida tahriibka ay u aadayaan wadamada qaarada Yurub iyo dalalka kale ee qaarada Africa.

Maxamed Nuur Gacal,ayaa sheegay in wasaarada arimaha dibada ay soo celin doonto dhamaan dhalinyarada ku dhibateysan dalalka dibada,isagoo xusay in dowladaha ay ku sugan yihiin kala hadlin doonaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Maxamed Nuur Gacal ,wasiiru dowlaha arimaha dibada in wasaarada ay sameyn doonto barnaamij dhalinyaradaasi loogu abuurayo shaqooyin wanaagsan oo ay ku helayaan dhaqaalo badan,taasina ay qeyb ka qaadan doonto aadida tahriibka.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (6)

  1. isman says:

    waxan kala hadli dona dawlaha waxba uma gasho maxa yelay hada ayay rafad san yihin marka waxa lo bahan yahay ugu yaran inad furtan safaradha somali ku lahan jirtay adunka tas aya cawin karta dhalin yarada somalia

  2. mahamed dhagaxbuur says:

    dhalinyarada somaliyeed waxaan leeyahay warniyow dhulkiina iska aamina

  3. daadir says:

    fadlan waxaan doowlada kala yaabay mid kasta oo dhalata waxey ku mashquushaa dadka ku nool qurbaha waa tiirka maanta ay shacabka somaliyeed ku tiirsan yihiin dhaqaalahana ka soo galo marka fadlan dowladaha yurub oo aynu joogno ku dhiiri galiya in ay na siiyaan sharci oo aysan dib noo soo celin taas ayaa muhiim noo ah si aan wadankeena wax ugu qabano mahdsantihiin

  4. Max'ed faarax says:

    Waxaan leeyahay dhalinyarada somaliyed dhulkiina aamina ilaahayna isku xira dalalka shisheeye ee aad ku ordaysaan dadkii lahaa ayaa dhistay ee dalkiina siduu nabad & barwaaqo kunoqon lahaa kashaqeey

  5. Abdiraxman says:

    Aswr walaha dhamaan shaqaalaha salaam sharaf leh midakale dowlada mexey qawataa hore low yiri ushiisa nin kaad ugu begtaa taada loogu daraa? Marka nin safaaradi gadaa maa shacab wax u teraa? Suaashaas hakajawbto dowlada mida kale shacabka mid leeyaha iscafiya 2gacmood is qabsada iskuna duceeya aswr

  6. Kilman says:

    War tahribku mel fa.idu kuleyahay melna dhibato hade hadu ilahay ku qoro wad dhmn hadi kalena wa may hadanbabina naftu ebe umay asagale dila asagale dana lk tahribka kuwan kudhmn xita wa waxu ebe uqoray sida awged tahribku dhbmlaha hahay




Wararkii U Danbeeyay

somalia_refugee_children_yemen.jpe Qaxootiga Soomaaliyeed ee kusii kordhaya dalka kenya oo laga digayo
- May 22, 2013
Warka soo baxay xafiiska isku xirka arimaha Bini-adanimada ee Qaramada Midobay (OCHA),ayaa lagu sheegay ...
images Dhaqaalo badan oo lagula dagaalamayo Burcad badeeda oo la balan qaaday
- May 22, 2013
Ururka Midowga Yurub ayaa balan qaaday inuu bixinayo Lacag ka badan €37 million oo ...
13691 Maxay tahay sababta xildhibaanada qaar ay kaga laaban waayeen mooshinkooda
- May 22, 2013
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka ...
21052013134420 Col Cali Aadan Xumad oo runta u sheegay ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka
- May 22, 2013
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay warar ku aadan in ciidamada Kenya ay isku ...
xildhibaanaad-Cusub DHAGAYSO:-Dalab loo jeediyay xildhibaanada baarlamaanka Somalia
- May 22, 2013
Qaarka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee wada mooshinka ka dhanka ah xukuumada ra'iisul ...
images DHAGAYSO:- Maxay xukuumada maanta kala kulmi kartaa baarlamaanka
- May 22, 2013
Waxaa maanta lagu wadaa in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay horto xukuumada ra'iisul wasaare Saacid ...
Yaabka1-300x201 Daawo: Nin ku dhawaad 500 jeer codsaday shaqo laakiin arimo cajiib ah ku waayay
- May 22, 2013
Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Yusuf Xamidi ayaa wax shaqo ah ...