Wednesday, August 27th, 2014

C/Xakiin Fiqi “Askari aan noo diiwaan gashanayn wax mushaar ah naguma lahan”

Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Maxamuud “Fiqi”, oo lahadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowlada lagu sameyn doono diiwaan gelin guud.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan baarlamaanka markii loo gudbinayay waxyaabaha ay u diideen ansixinta miisaaniyada inay qeyb ka aheyd ogaanshaha ciidamada guud ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dhamaan goboladii dhawaan uu tagay uu kala soo hadlay soo gudbinta tirada rasmiga ah ee ciidamada dowlada ay yihiin,markaasi loo sameeyo diiwaan gelin guud.

C/xakiin Fiqi ,wuxuu sheegay in aksari aan diiwaan gashaneyn uusan qaadan doonin wax mushaaraad ah sida uu hadalka u dhigay,isagoo sheegay in dhamaan ciidamada qaranka dalka la diiwaan gelin doono.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa hadalkiisa wuxuu imaanaya iyadoo ciidamo badan oo wata dareeska ciidanka oo aan diiwaan saneyn ay ku badan yihiin magaalooyinka dalka.

Leave a Reply