Ciidamada AMISOM ee Beledweyne oo la qarxiyay iyo wararkii ugu dambeeyay

Inta Akhrisatay :5772

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu qaaday weerao bambaano gacanta laga tuuro ah.

Dadka deegaanka ee magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in bambooyinka lagu tuuray ciidamada AMISOM xilli ay baaritaano ka wadeen xaafadaha magaalada Beledweyne.

Majirto faahfaahin dhab ah oo ku aadan qasaaraha ka dhashay bambaanada lagu tuuray ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ,laakiin dadka deegaanda ayaa sheegaya in qasaare uu jiro.

Wararka ayaa sheegaya in xiligii ciidamada AMISOM la qarxinayay ay socdeen baaritaano ay wadeen ciidamada dowlada iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan magaaladaasi.

Magaalada Beledweyne waxaa maalmahaan ka taagnaa qaraxyo lala eeganayo ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Ahmed says:

    War haddii Alle ka cabsi la idinka waayay,xishood mala inka waayay.Maxaad ka rabtaan walaalihiina reer Jabuuti oo idin soo gurmaday?.walaaliyaalow,sidaa diin noo ma aha,dhaqan na noo ma aha ee isqabta.

  2. shuruur says:

    Waxaa la yiri yaa soomaali maamula oo aan dilin waxaan orankaraa soomaalida waxay doonayaan in la dilo sidii itoobiya ay u dili jirtay waxaan filayaa jabuuti waa walaalaheen oo way noo soo gurmadeene nama dilayaane dhibka ka dhaafa hadii kale balo ina disha ayaa inoo imaanayso oo aan cidna u naxariisanayn oo aan nala diin ahayn marka soomaaliyey saan wax halaga badalo waa iga talo .

  3. shaam says:

    waa sax ee sidaan wax halaga badalo hadii talo jirto




Wararkii U Danbeeyay

Somalia Sacuudiga: Soomaaliya oo ka badisay Nigeria
- May 24, 2013
Soomaalida waxay ku qeybyihiin Nigeria oo ay xalay la cayaareen, Cameroon iyo Chad oo ...
images Kenya oo looga digay taageerada maamulka Jubbaland.
- May 24, 2013
Dowlada Kenya ayaa waxaa la weydiiyay inay dib kaga fakarto taageerada ay siinayso maamulka ...
asasd Siyaasiga Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji] oo Ku Dhawaaqay inuuu Yahay “Madaxweynaha” Jubbaland?
- May 24, 2013
Iyadoo maalinba maalinta kadambeysa ay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta ku dhawaaqaya inay yihiin madaxweynaha Maamulka ...
asada Dowlada Kenya oo laga dalbaday bilowga diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed.
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday inay dib u bilowday diiwaan gelinta qaxootiga ...
_67788422_018096031_ap Weeraro ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Niger iyo dad badan oo dhintay.
- May 24, 2013
Weeraro ismiidaamin ah ayaa waxay ka dhaceen xerooyin ciidamada meletariga ay leeyihiin oo ku ...
13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...