Alshabaab oo weeraray fariisimaha Ciidamada Puntland ee Boosaaso+Faahfaahin

Inta Akhrisatay :8099

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ciidamada Alshabaab la sheegay inay ku qaadeen fariisimo ciidamada maamulka Puntland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Boosaaso.

Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegayaa inay weerarka kasoo qaadeen buuraha Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso halkaasi oo ay isku aruursanayeen muddooyinkii ugu dambeeyay.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Laag iyo kontaroolka dhanka koofureed ee magaalada Boosaaso,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid xoogan oo socday muddo saacado ah.

Dagaalka oo dhacay habeenimadii xalay ayaa waxaa ku dhintay labo ruux oo dhinacyada dagaalamay ah,iyadoo ciidamada maamulka Puntland ay iska difaaceen weerarka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Alshabaab iyo masuuliyiinta maamulka Puntland,iyadoo shalay wasiirka amniga  ee maamulka Puntland uu sheegay in Alshabaab badan ay ku sugan yihiin Galgala


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

Xumi Cali Aadan Xumad afhayeenka AMISOM oo arimo la hadal hayo ka hadlay
- May 21, 2013
Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ayaa ka hadlay howlgalo ciidamada Booliiska AMISOM iyo kuwa Dowladda ...
Garoowe Puntland iyo Australia oo ka wada hadlay arimo dhowr ah oo Puntland anfacaya
- May 21, 2013
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in Dowladda Australia ay kaalin ...
sasas “Mooshin keene iyo miino aase, waa iskugu keen mid”+ Daawo sawirada
- May 21, 2013
Banaanbaxayaal watay boorar ay ku qornaayeen erayo ay kamid yihiin “Mooshin keene iyo miino ...
images Halista Dagaal dhexmari kara Axmed Godane iyo saraakiisha kale ee Alshabaab
- May 21, 2013
Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii tolaayay khilaafka xoogan ee ka dhaxeeya ...
Heli Muqdisho:-Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay isaga oo kusugnaa hooygiisa agtiisa
- May 21, 2013
Wararka naga soo gaaraya degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ...
raaskambooni DHAGAYSO:-Maxay ahaayeen ciidamada booliska ee Kismaayo kusoo kordhay
- May 21, 2013
Tan iyo maalintii shalay shacabka magaalada Kismaayo waxay la yaab ku noqotay markii ay ...
faroole Faroole “Dowlada waxaan leeyahay haddii maamulada aad soo dhaweynweysaan idinkaa cirka roob ku og”+DHAGAYSO
- May 21, 2013
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay arimaha maamulada kusoo kordhaya gobolada dalka ...