10 ka mid ah dhalinta Kismaayo oo la qabtay kadib markii ay ka dhego adeegeen amar lasoo rogay

Inta Akhrisatay :8177

Habeenimadii xalay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose maamulka kumeel gaarka ah ee magaalada ayaa soo rogay amaro ah in bandow tahay magaalada Kismaayo,waxii ka dambeeyay salaada Ceshe.

Ciidamada ayaa lagu amray inay qabqabtaan ruux walbaa oo ka hor yimaada amarka lasoo saaray ee ah in bandow tahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa waxay qabqabteen dhalinyaro badan oo la sheegay inay qaadan waayeen amarka kasoo yeeray masuuliyiinta maamulka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Dhalinyarada la qabtay ayaa waxay gaarayaan 10 ruux,kuwaasi oo la sheegay in la dhigay saldhiga magaalada Kismaayo,halkaasina waxaa la sheegay in baaritaano lagu sameynayo.

Habeenimadii xalay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa bandow aheyd ,iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysay bandowgaasi.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

boko-haram Dhagayso:Qeybta koowaad Taariiqa Aasaska kooxda Boko Haram
- May 18, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
2013222213459142621_8 Dowlada Kenya oo fariin ku aadan ka qeyb qaadashada dagaalka shabaab u dirtay Nigeria.
- May 18, 2013
Madaxweynaha cusub ee bishii April ee sanadkaan 2013 shacabka Kenya door bideen inuu daadihiyo ...
magaalada-kismaayo Arimaha ka taagan Kismaayo oo aragtiyo laga bixiyay iyo hadalka Daahir Ciiro
- May 18, 2013
Deeganada Jubbooyinka oo xilagan uu ka taagan yahay khilaafka dhanka maamulka ah ayaa waxaa ...
13614 C/Naasir Seeraar oo eedeeyay gudi dowlada ay u magacaawday arimaha Jubbooyinka
- May 18, 2013
Masuuliyiinta maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa eedeen ujeediyay Wafdiga Xukuumadda ay udirtay magaalada ...
KISMAAYO Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo wadahadal la leh maamulka Kismaayo
- May 18, 2013
Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD ee maanta  ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada ...
index Muwaadin Somaliyed oo toorey ku dilay askari oo xukun lagu riday
- May 18, 2013
Mohamed Abdulkadir Osman,Waa muwaadin Soomaali Britain ah,waxaana lagu eedeeyay fal ah inuu Aalada tooreeyda ...
Ruto Kenya oo danaheeda darteed u dalbatay in la kordhiyo ciidamada AMISOM
- May 18, 2013
Sida uu baahiyay Jaraa’id ka soo baxa dalka Kenya madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ...