Friday, April 18th, 2014

Wafdigii maalin ka hor gaaray Baydhaba oo mushaaraad soo siiyay ciidamada dowlada kuna soo laabtay Muqdisho

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhiga oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ee gobolka Baay ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga iyo wafdiiga ayaa shalay markii ay gaareen magaalada Baydhaba waxay la kulmeen masuuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobolka ,waxayna ka wada hadleen arimo dhowr ah.

Wasiirka ayaa sheegaya in ujedada uguweyn ee ay u gaareen magaalada Baydhaba ay tahay sidii ciidamada dowlada ay ugu soo qeybin lahaayeen dhaqaalahooda oo muddo badan aysan helin.

Waaberigii saaka ayay aheyd markii wafdi qeyb ka mid ah ay gaareen deegaanka goof gaduud ee gobolka Bay halkaasina aymushaar ugu soo qeybiyeen ciidamada dowlada oo ku sugan halkaasi.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa safarkiisa ku micneeyay inuu qeyb ka yahay kormeero jooto oo uu ku sameynayo gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>