Wednesday, April 16th, 2014

Sir Fakatay: Nimco Yaasiin iyo Ikraan Caraale oo fashiliyay Guurka Fiska iyo Ceyduruus (Daawo)

Barnaamijka Caweyska London oo si toos ah toddobaadkan uga baxay TV-ga HCTV, ayaa waxaa marti ku ahaa 4 fanaan oo kala ah Nimco yaasiin, Ikraan Caraale, Farxiya Fiska iyo Ceyduruus Halyeey.

Barnaamijka inta uu socday ayaa sir fakatay, kadib markii Nimco Yaasiin oo lagu soo dhaweeyay mikrafoonka sheegtay in laga hormariyo “Familka” oo ay kala jeeday Farxiyo Fiska iyo Ceyduruus Halyeey.

Markii eraygaas uu ka baxsaday afka Nimco Yaasiin, ayaa kaamirada qabatay Ikraan Caraale oo si hoose u taabaneysa Nimco Yaasiin oo ay kala jeeday “Baaq” waxa ayna si hoose u tiri Ikraan Caraale “Balaayo Ku Aragtay” iyadoo ka naxsan sirta  ka fakatay Nimco.

Farxiyo Fiska iyo Ceyduruus oo naxdin darteed indhaha taag-taagaaya, ayaa waxaa hobseedka ka bixiyay Cali Seenyo oo ahaa wariyihii barnaamijka waday, isagoo si reer magaalnimo ku jirto, Heesta “Jeedaali” oo ay si talan-taali ah u qaadan labada fanaan kusoo dhaweeyay.

Markale muuqaalkan waxaa ku daawan doontaan, Nimco yaasiin oo sheegeysa in Fiska Xaajigeeda uu la joogo, balse Ikraan uu ka maqan yahay, waxaana u camirtay Ikraan oo tiri Fiska Xaajigeeda waa nala joogaa oo “maba naga foga hadda”, iyadoo kala jeedda Ceyduruus Halyeey.

Inta uu barnaamijka socday, ayay Fiska ka qaadday heeso “bilaa Music ah” oo ay ka dalbadeen daawadayaasha soo wacay barnaamijka, waxaase laga dareemaayay in ay heesaha oo dhan ay u qaadeesay gacaliyaheeda Ceyduruus oo ay isha ku xad-xadeysay.

Jaceylka ka dhaxeeya Ceyduruus iyo Fiska ayaa waayadaan dambe aad usoo shaac baxay markii Fiska iyo Bashiir Hanuuniye kala tageen, waxaase si cad sheekada hadda u fashiliyay Nimco Yaasiin iyo Ikraan Caraale.

 

 

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka adigaa Qosli Doonee

 

 

14 Responses to Sir Fakatay: Nimco Yaasiin iyo Ikraan Caraale oo fashiliyay Guurka Fiska iyo Ceyduruus (Daawo)

  1. ashuuuuuuu says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waaa sheeeeko qosola runtiiiiiiiiii fashilaaaaad aya ka dhacday

  2. bashkas says:

    2 is rabta way is gursan karan somaha maxaa ku jaban dee , dadka shaqa la’aan ayaa haysa runtii fananinta yaa lagu mashqulin ayaa leeyahay by

  3. Mandeeq muse says:

    Wa arin laga naxo wayo arin laqarinaye aya fakatay

  4. Zuzan degen says:

    Marka hore wan salaamayaa dhamaan hoolwadeenada shebekadan
    Waa ARIN aad loofa naxo madam ah ay dhamaan jecelkii hore uu fiska uu uqabay Bashir hanuniye balse tan oo kale weydhacdaa by zuzan

  5. mogadisho-boy says:

    abtiyaal qoftaan hadii la guursaday oo ninkale oo reer woqooyi ah u dhaxdo waxaba inaga bi,i maayaan dee waayo inagaba hadeynu nahay reer konfur islaamaha reer woqooyiga weynu guursanaa ceydaruusna hadow qofta guursaday asagaa ka helay barina koleey waa isku dhicin waayo fanaan fanaanad ma qabi karto oo mar walbo kuwii isku dhaco lee waayo waligeedna lama sheegin 2bo fanaan oo is qabo yaraan isku guursatay oo ilaa weynaan is qabay marka intaasna meesha ku darsada xarfaaneey lama huraan waa cowska jilaal mar walbo reer konfur nin ah lee u danbeyn doono

  6. qalaayw says:

    farxiyo wali cidadii a dhamaan arooskaas waa qalad

  7. i like fiska says:

    cidada yaa og hee ineey dhamaatay iyo
    inkalo ?

  8. Fahmo says:

    Hambalyo, hambalyo ayan leyahay abayo iyo abowe. Bashirna waxan leyahy adna mid Qer qabto oo kujecl mardaw ilahay hakusiyo. Ameeeen

  9. sugaal says:

    salaamu calaykum, slaan ssharaf kabacdi, walaalayaal waxa haboon inaan qof kula dhashay ama hooyo ah hadii ifka iyo aakhiraba loo turanayo aan la ceebayn soomaali hadaa nahayna aan lays dac dacweyn oo aan marka hore jeclahay ama aanu jecalahay inaan dhexdeena kawada hadalno, ceebayntu ma wanaagsana Farxiyina wax ay qiratay majiraan warkaana waxba kama jiro fadlan oo fadlan kasaara maqaalkan iyo video gan website kiina idinkoo mahadsan, sida ugu dhakhsaha badan waa codsi walaaltinimo, wabilaahi tawfiiq.

  10. shuceeyb says:

    walahi aniga hadan fakarkeyga dhiibto arintan waa arin laga naxo lkn naagtan midgantaah oonimco yaasin layiraado aya kadanbeysa waxas oodhan

  11. nuur qadar says:

    asc marka xigta waxan leyahay walashey in aysan guur ku deg degin wayo waxa la dhahay gedkii roor lagu koro roor aya loga degta marka ina ader iska daa guurka badan mudo ka firso guurka qofka ad rabto fananiin wey jogan lamana maqlo warkoda abayo hana ceben mar walbo in wax laga shego ma an jecli waxad tahay ina adertey bashir na hadii uu dhamaday calaf kiina intas ayuu ku eka marka asna waa walalkadawaxbo ha u baxin ilaah midkii qeer wato alah kugu daro calaf ayan ku leyahay wax walbo na waa wax qadaran markan hadii ale kuu sahlo mid ilah ha kagag dhigo midkii ad ku nagado aaaaaamiiiiiin waxan ku soo kobaya ku labo odigagag hore inta kuu dhiman ku sabar waa laga ron yahay mel walbo waa iga wano hana i dhibsan waxa hadal kan iga kenay waa xanaq dadka hadal kooda byeeeee

  12. cabdiqaadir says:

    as/c dhaman bahada muqdisho news
    waxaan aqirstayaasha siyaasaadeenaya guurka
    fadlan halaga daayo dumarku rer ma ahan somaliduna waa inan iyo abtigii
    mar laabaa dumarku xushmad ayay nagamudanyihiin waana hooyo iyo walashaa oo kale ee habalaha uduceeya oo cida uu calaf alle ugu darano halaga daayo faaqidaada
    fiskana gabadhahaa somaliyeeda ayay kamid tahay hadii uu calafka kale kaxeeyay odaygeedii hore waa wax qoran guurkuna malaha xuduud

  13. Nimco says:

    Waxan rawaa in aan noqodo taqtar

  14. Dajiye says:

    Waa arin lal yaabo meshaas waxaa inooga cad in nagaha eeysan qarin karin shekada laku qarsado sorri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>