Wednesday, April 23rd, 2014

Ruux hubaysan oo seddex ruux ku dilay xaafad ku taala Switzerland

Sida ay shegeen booliska dalka Switzerland ruux hubaysan ayaa rasaas uu ku furay waxay sababtay geerida seddex ruux iyo dhaawaca labo kale oo ku sugnaa dalkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay kuufurta xaafada Daillon ee dalka Switzerland,halkaasi oo 100 km u jirta caasimada Geneva ee dalkaasi Switzerland.

Dad badan uu u dhashay dalkaasi ayaa la sheegay inay ku sugnaa goobta falka toogashada ay ka dhacday.

Booliska Switzerland ayaa sheegay inay hereen ruuxii falka toogashada geystay isagoo ay dhaawaceen,waxaana la sheegayaa in saldhiga su’aalo lagu weydiinayo.

Dadkii dadka dhintay ayaa sedeex gaarayay dadka dhaawacmayna isbitaal ayaa la dhigay sidaasi waxaa yiri sarlkaal booliska Switzerland u hadlay.

Booliska ma aysan magacaabin ruuxa ay xereen,kaasi oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen inuu ahaa da’diisa mid lgu qiyaasay 30 sano jir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>