Iskuulkii toogashada ay ka dhacday 14 kii December 2012 oo magaca laga badalay dibna loo furay

Inta Akhrisatay :4511

Caruurtii dhiganaysay iskuulka ku yaala magaalada Newtown ee gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka ayaa bilaabay teeram cusub kadib markii iskuulka uu xirnaa muddo maalmo ah.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta iskuulka,waxaa in badan wax laga badalay amaanka iskuulka ku yaala magaalada Newtown waxaana la sheegay in la geeyay boolis badan.

Sandy Hook Elementary School,oo ah iskuulkii lagu dilay lix iyo labaatan ruux oo badankood caruur ay yihiin iyo shaqsigii ka dambeeyay toogashada ayaa la sheegay in dib ay u bilaabatay waxbarashadiisii.

14 December ee sanadkii tagay waxaa iskuulka dadka ku dhintay ay kala ahaayeen 16 caruur ah ,lix waardiyaasha iskuulka ah iyo Adam Lanza oo toogashada geystay.

Ciidamo kale oo dheeraad ah oo xaqiijinayo amaanka ayaa la sheegay in la geeyay iskuulka oo xitaa magacii laga badalay,kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay ku shaqo leeyihiin joojinta gaadiidka soo galaya gidaarka iskuulka.

Waxaa lagu tilmaamay iminka marka loo eego ilaalada uu leeyahay in iskuulka uu yahay midka ugu amaanka wanaagsan kuwa ku yaala dalka Maraykanka.

Waalidiinta caruurtooda ay dhigtaan iskuulka ayaa loo sheegay in la xaqiijinayo amaanka caruurtooda iyo guud ahaan iskuulka

Waalidiinta ayaa la sheegay in loo ogolaanayo inay ku sugnaadaan iskuulka xiliga ardaydooda ay ku jiraan xisadaha maalinta qamiiska si ay u xaqiiqsadaan xaalada caruurtooda.

Waxaana ay tahay dhiiro gelin loo sameynayo waalidiinta si ay caruurtooda ugu qaataan basaskooda,si ay waalidiintooda sida ugu macquulsan ula midoobaan.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

kismaayoAargada Banaanbax ka dhan ah Axmed Madoobe oo ka dhacay Kismaayo
- May 19, 2013
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada kuwaasi ...
dhadhaab Afar ajaaniib hayad u shaqeynayay oo la afduubtay maanta.
- May 19, 2013
Wararka naga soo gaaraya xeryaha Dhadhaab ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay afduubteen shaqaalo ...
nairobi Nin iyo xaaskiisa oo maanta lagu dilay magaalada Nairobi ee dalka Kenya
- May 19, 2013
Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay inay dileen nin ...
jowhar_iyo_amisom1 Maxaa ka cusub magaalada Jowhar ee Shabeelaha Dhexe+ Akhriso
- May 19, 2013
Waxaa habeenimadii xalay magaalada Jowhar ee Xarunta Shabeelaha Dhexe ka dhaqan bandow ciidamada amaanka ...
garowe_puntland_galleryfull Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay degmada Garoowe ee gobolka Nugaal
- May 19, 2013
Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal kooxo hubaysan ...
boko-haram DHAGAYSO:Qeybta labaad ee aasaaskii ururka Boko Haram
- May 19, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
ciidamo-al-shabaab DHAGAYSO:C/Risaaq Caweer Cumar oo beeninaya hadal ay sheegeen Alshabaab
- May 19, 2013
Gudoomiyaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay sheegashada Alshabaab ee ku aadan ...