Wednesday, April 16th, 2014

Hogaamiyihii Mintidiinta dalka Pakistan oo lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah

Sida ay sheegeen laamaha amaanka dalka Pakistan Hogaamiyihii mintidiinta dalka Pakistan Mullah Nasir ayaa lagu dilay markii diyaarada drone-ka Maraykanka ay duqeyn ka geysteen dalkaasi.

Waqooyi galbeed gobolka qabaa’ilka ku badan yihiin Waziristan,ayaa la sheegay inay ka dhacday labo duqeyn taasi oo sababtay geerida Mullah Nasir ,iyadoo duqeyntaasi ay ku dhinteen shan dagaal yahan.

Waxaa lagu eedeeyay Mullah Nasir in dagaal yahano taageerato Talibanka Afganistan uu udiray Taalibaan ,iyo ciidamo la dagaalama ajaaniibta ku sugan isla dalkaasi.

Bishii November ee sanadkii tagay Mullah Nasir ayaa lagu dhaawacay weerar bambaano.

Ma cada in habeenimadii xalay diyaaradaha Drone-ka ay ku dileen gurigiisa oo ku yaala magaalada Wana oo u dhow kuufurta Waziristan oo ku taala xuduuda Afganistan.

Wararka laga helayo gobolka Waziristan ayaa sheegaya in ku xigeenkii Mullah Nasir uu ku dhintay weerarka diyaarada Drone u geysteen Mullah Nasir.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in afar ka mid ah mintidiinta dalkaasi kuwaasi oo ku dhintay weerao kala duwan oo ka dhacay isla dalkaasi,laakiin lama shaaci waxa ay kala ahaayeen.

Diyaaradaha Drone-ka ee dalka Maraykanka ayaa weerarkooda sii kordhiyay waxii ka dambeeyay markii uu xafiiska madaxweynaha qabtay Obama sanadkii 2009

Boqolaal ruux  ayaa ku dhintay duqeynta Drone ay ka geysanayaan dalka Pakistan ,waxaana dadka dhintay ku jiray hogaamiyaal ka tirsan Alqaacida ,dad rayid ah ,iyo dagaalyanahada Taalibaanka ku sugan halkaasi.

Islamabad has called for an end to the attacks saying they violate the country’s sovereignty, but analysts say Pakistan has privately sanctioned such actions in the past.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>