Gen Ismail Hakki Karadayi,oo laga waday gurigiisa Istanbul laguna xeray Ankara

Inta Akhrisatay :8008

Madixii hore ee ciidamada dalka Turkiga Gen Ismail Hakki Karadayi,ayaa la xeray kadib markii lagu eedeeyay farogelin meletari uu oo xoog ah.

Gen Karadayi ayaa laga waday guriigisa oo ku yaala magaalada Istanbl,waxaana loo qaaday magaalada Askara ee caasimada ah si su’aalo loo weydiiyo.

Waxaa lagu eedeeyay inuu caawinayay hab afgambi casriyeysan ah,kaasi oo la sheegay in wax ciidan aysan ku luglaheyn.

Necmettin Erbakan,ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi ayaa lagu qasbay inuu iscasilo sanadkii 1997,kaasi oo lagu badalay dowlad rayid ah,waana xiliga Gen Karadayi uu ahaa taliyihii ciidamada Turkiga.

Bishii May ee sanadkii tagay ,lix general oo lala xiriirinayo xil ka qaadistii Necmettin Erbakan,ayaa la sheegay in lasoo eedeeyay lana xeray.

Baaritaano kala duwan ayaa la sheegay in lagu sameynayo saraakiil dhowr ah oo isku dayay inay afgambiyaan meletriga dalkaasi.

Turkiga ayaa waxaa soo maray seddex marxaladood oo afgambi ah intii u dhaxaysay sanadihii 1960 ilaa 1980 wuxuuna leeyahay taariiq caalami ah.

Maxkamad ku taala dalka Turkiga ayaa seddex kamid ah saraakiisha ciidamada dalkaasi ku xukuntay min labaatan sano oo xarig ah bishii September.

Waxaa lagu eedeeyay inay wadeen qorshe afgambi ah oo looga soo horjeeday doorashadii uu ku guuleystay Mr Erdogan sanadkii 2003.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

baydhaba Qarax ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobolka Hiiraan
- May 25, 2013
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay qarax khasaaro geestay ...
_67810380_pak_bus Caruur ku dhimatay dab haleelay gaari ay la socdeen.
- May 25, 2013
Caruurta waxay ahaayeen kuwo todobaadkiiba mar lagu soo qaado gaadiidka iskuulka ay ku tagi ...
13751 Jawiga Xaafada B uulo Xuubeey oo ka duwan subaxyadii hore
- May 25, 2013
Dadka xaafada Buulo xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa saaka kusoo toosay iyadoo wado waliba ...
Madobe_soldier_slide Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} oo eedeyn u jeediyay DF Soomaaliya
- May 25, 2013
Madaxweynaha maamulka Jubbaland sheegtay inuu yahay Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe", ayaa waxa uu ...
asw DHAGAYSO:-Madaxda IGAD oo ku dhawaaqay Dowlada hadal ay ku faraxdo
- May 25, 2013
Waxaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xaalada gobolada Jubbooyinka uu xalay ka dhacay ...
jabuti1 DHAGAYSO:- Mucaraadka Jabuuti oo dhaliilay dowlada Ismacil Cumar Geele.
- May 25, 2013
Mid kamid ah xisbi mucaaradka ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa waxay ka hadleen ...
index DHAGAYSO:- Siidii “Baraawe iyo deegaanada kale ayaan weerar ku nahay”
- May 25, 2013
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu ...