Wednesday, April 23rd, 2014

Clinton oo laga soo saaray isbitaalkii ay ku jirtay ee New York-Presbyterian Hospital

Xoghayaha arimaha dibada dalka Maraykanka ayaa laga soo saaray isbitaal ku yaala magaalada New York ee dalkaasi Maraykanka oo in maalmo ah lagu dabiibayay.

War kasoo baxay dhaqaatiirtii ku howlaneyd dhaweynta Clinton ayaa sheegay inay aad ugu kalsoon yihiin bixinta Clinton inaysan wax dhib ah keeni doonin.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay sameyn karto xasuus badan iyo dib usoo celinta howlihii ay qaban jirtay Clinton sida ay ku sheegeen warka kasoo bay dhaqaatiirtaasi.

Clinton ayaa la xanuunsaneysay dhiiga xinjiraha iyo xanuun kaga dhacay maskaxda,taasi oo dhalisay in Clinton ay suuxdo,markii dambana la dhigay isbitaalka ku yaala magaalada New York.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay inay rajeynayaan in Clinton ay dib ugu laabato xafiiskeedii.

Waxaa la arkayay Clinton oo dhinacyada ay ka taagan yihiin seygeeda Bill Clinton iyo gabadheeda Chelsea Clinton.

_65050007_65050261

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>