Madaxweynayaasha labada Sudan oo ku kalmaya magaalada Addis Abbaba

Inta Akhrisatay :4511

Sida ay sheegeen labada dowladood Madaxweynayaasha Sudan iyo koofurta Sudan ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan caasimada dalka Ethiopia ee Adis Abbaba ,si ay kaga hadlaan horumarinta amaanka ee xuduudaha.

Afhayeeno u kala hadlay labada madaxweyne ayaa sheegay in kulankaasi oo maalinta jimcaha ka dhacaya Addis Abbaba waxaa marti u qabanaya midowga Africa waxaana wada yeelanaya Salva Kiir iyo Omar Xasan Albashiir.

Labada dal ayaa sheegay inay doonayaan inay dhameynta xaalada xuduuda labada dal oo in badan ay ka dhasheen isku dhacyo dhex mara sidaasi waxaa sheegay masuuliyiinta u hadashay labada dal.

Sidoo kale waxay sheegeen inay doonayaan ku hishiin isla wadaagida daqliga kasoo xarooda gobolka saliida qaniga ku ah.

Labada sudan ee koofur iyo waqooyiga ayaa hishiis ku kala saxiixday magaalada Addis Abbada  bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay,kaasi oo ku aadanaa adkeynta amaanka laba xuduud.

Si kastaba labada dal ee kala go’ay deriskana ah kuna yaala qaarada Africa ayaa doonaya  inay dib u bilaabaan soo saarista shidaalka ee gobolka Jubba si ay uwadaagaan.

Madaxweyne Salve Kiir ayaa sheegay in ciidamo ka joogo dowladiisa uu kala baxayo halkaasi,taasi oo qeyb ka ah hishiis dhigayay in labada dhinac xuduuda ay ka kala sigadaan 10 km.

201292711580699734_20


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

sasas “Mooshin keene iyo miino aase, waa iskugu keen mid”+ Daawo sawirada
- May 21, 2013
Banaanbaxayaal watay boorar ay ku qornaayeen erayo ay kamid yihiin “Mooshin keene iyo miino ...
images Halista Dagaal dhexmari kara Axmed Godane iyo saraakiisha kale ee Alshabaab
- May 21, 2013
Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii tolaayay khilaafka xoogan ee ka dhaxeeya ...
Heli Muqdisho:-Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay isaga oo kusugnaa hooygiisa agtiisa
- May 21, 2013
Wararka naga soo gaaraya degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ...
raaskambooni DHAGAYSO:-Maxay ahaayeen ciidamada booliska ee Kismaayo kusoo kordhay
- May 21, 2013
Tan iyo maalintii shalay shacabka magaalada Kismaayo waxay la yaab ku noqotay markii ay ...
faroole Faroole “Dowlada waxaan leeyahay haddii maamulada aad soo dhaweynweysaan idinkaa cirka roob ku og”+DHAGAYSO
- May 21, 2013
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay arimaha maamulada kusoo kordhaya gobolada dalka ...
images Maxay tahay sababta xildhibaanadii keenay mooshinka ka dhanka R/Saacid ay dib ugu laabtaan+DHAGAYSO
- May 21, 2013
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay ...
images DHAGAYSO: Alshabaab oo guulo ka sheegaya seddex dagaal oo meelo kala duwan kadhacay
- May 21, 2013
Afhayeenka Alshabaab ee dhanka dagaalka Sheikh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa waxa uu ka ...