Ku dhawaad 10 ruux ayaa dhintay inka badan 120 kalana wey dhaawacmeen kadib markii bad badan oo doonayay inay ka qeyb qaataan dabaal daga sanadka cusub habeenkii xalay ahaa ay isjiireen.
Inka badan 70,000 oo ruux uu dhashay dalkasai Angola ayaa la sheegay inay doonayeen inay galaan garoonka Citadela Desportiva stadium ee dalka Angola.
Dadka dhintay waxaa ku jiray afar caruur ah,sidaasina waxaa sheeegay saraakiisha caafimaaadka dalkaasi angola
Maalintii shalay ayay aheyd markii ku dhawaad 60 ruux ay ku dhinteen dalka ivery cost iyadoo ay dhawacmeen ku dhawaad 200 ruux kuwaasi oo is jiiray kadib markii ay u dabaal dagayeen sanadka cusub ee 2013.
Madaxweynaha dalka Ivery Cost Alassane Ouattara’s ayaa ayaa ku dhawaaqay seddex maalin o baroor diiq ah.
Isagoo sidoo kale sheegay in la sameeyo baaritaano ku aadan waxyaabaha ka dambeeyay isku dhacyadaasi