Syria oo sheegtay inay diyaar u tahay wadahadal ay la galaan Mucaaradka dalkaasi

Inta Akhrisatay :5889

Dowlada dalka Syria ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso wadahadalo nabadeed oo lagu dhameynayo dhiiga walli kasii daadanayo shacabka dalka Syria,kuwaasi oo ay la galaan kooxaha mucaaradka.

Dowlada Syria ayaa sidoo kale sheegtay inay aqbaleyso wadahadalkii uu ku dhawaaqay ergayga gaarka ee Qaramada midoobay iyo jaamacada carabta u qaabilsan Syria Lakhdar Brahimi.

Ra’iisul wasaare Wael Al Xalaqi ayaa ka sheegay baarlamaanka dalkaasi hortiisa in isku dhacyada dalkaasi loo baahan yahay in la xaliyo waliba ay dhameeyaan shacabka dalkaasi Syria.

Ra’isuul wasaaraha dalkaasi ayaa sheegay in shacabka Syria ay xalin karaan dhibaatada ka taagan dalkaasi iyadoo aysan jirin cadaadis kaga yimaada gudaha iyo dibada.

Dowlada Syria ayuu sheegay inay taageerayso mashruuca dib u hishiisiinta qaranka dalkaasi diyaarna ay tahay wadahadal nabadeed oo ay la galaan kooxaha mucaaradka.

Wadankaasi ayuu xusay inuu u dhaqaaqayo isbidal taariiqi ah marka uu guul ka gaaro cadowdiisa,isagoo qeexay in Syria ay ka mid noqoneyso halkii ay ka taagneyd caalamka.

Ergayga gaarka ee qaramada midoobay Syria Lakhdar Brahimi ayaa maalintii Axada  ku dhawaaqay qorshe xabad joojin ah iyo wadahadal nabadeed oo ka dhaca Syria ,iyadoo kooxaha mucaaradka ay kasoo horjeesteen arintaasi.

Dowlada Ruushka ayaa Maalintii sabtida ku dhawaaqday inay qabaneyno shirweyne wadahadal ah oo ay galaan kooxaha mucaraadka iyo dalkaasi Syria,waxaana dowlada Ruushka ay sheegtay in wadahadaladaasi ay ku qabaneyso magaalada Moscow ama Qaahira ama Geneva.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. shuruur says:

    AAD U BUU UWACAN YAHAY IN AN LA LASHAQEEYO AYAAN RABAA IGA SOO WACA 643371




Wararkii U Danbeeyay

baydhaba Qarax ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobolka Hiiraan
- May 25, 2013
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay qarax khasaaro geestay ...
_67810380_pak_bus Caruur ku dhimatay dab haleelay gaari ay la socdeen.
- May 25, 2013
Caruurta waxay ahaayeen kuwo todobaadkiiba mar lagu soo qaado gaadiidka iskuulka ay ku tagi ...
13751 Jawiga Xaafada B uulo Xuubeey oo ka duwan subaxyadii hore
- May 25, 2013
Dadka xaafada Buulo xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa saaka kusoo toosay iyadoo wado waliba ...
Madobe_soldier_slide Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} oo eedeyn u jeediyay DF Soomaaliya
- May 25, 2013
Madaxweynaha maamulka Jubbaland sheegtay inuu yahay Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe", ayaa waxa uu ...
asw DHAGAYSO:-Madaxda IGAD oo ku dhawaaqay Dowlada hadal ay ku faraxdo
- May 25, 2013
Waxaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xaalada gobolada Jubbooyinka uu xalay ka dhacay ...
jabuti1 DHAGAYSO:- Mucaraadka Jabuuti oo dhaliilay dowlada Ismacil Cumar Geele.
- May 25, 2013
Mid kamid ah xisbi mucaaradka ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa waxay ka hadleen ...
index DHAGAYSO:- Siidii “Baraawe iyo deegaanada kale ayaan weerar ku nahay”
- May 25, 2013
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu ...