Thursday, April 24th, 2014

Sh. Maxamuud Ow-C/lle Cariif ” Qofkii weyneeya sanadka miilaadiga wuxuu lamid yahay gaalada + DHAGEYSO

Iyadoo caawa munaasabado kala duwan oo lagu weyneenaayo munaasabadda sanadka cusub 2013 ayaa sheikh maxamuud Ow Cabdule Cariif oo kamid ah culimada Somaliyeed ayaa ka digay in la weyneenyo munaasabadda sanadka miilaadiga oo caawa ay ku beegan tahay.

SHeekh Maxamuud ayaa sheegay in Miiladiga ay wali tahay mid muujinayso gumaysiga Gaalada ay ku haayan Islaamka isagoo sheegay in dad badan oo Muslimiin ah ay ku qaataan mushaaraadkoda bisha Miilaadiga isla markaasna ay lamid tahay in Gaalada dadkaan ay siiyaan mushaarka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Nabigeena Muxamad NNKH inuu yiri Haddii Nabi Muuse CS iyo Nabi Ciise CS haddii ay I soo gaari lahaayeen ay aniga I raaci lahaayen Hadaba iyadoo nabiga Muxamed uu sidaas leeyahay sidee ku raacaynaa Gaalada ayuu intaa raaciyay Sheekh Maxamuud OW-Cabdule Cariif.

Halkaan ka DHAGEYSO Sheekh Maxamuud Ow C/lle Cariif oo ka hadlaya Sanadka Miilaadiga in la weyneyn karo

Si kastaba Hadalka SHeekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya iyadoo qeybo badan oo dalka somalia ah laga xusaaayo oo laga weyneenaayo sanadka cusub 2013 oo caawa ku beegan.

Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Wararka@hotmail.com

8 Responses to Sh. Maxamuud Ow-C/lle Cariif ” Qofkii weyneeya sanadka miilaadiga wuxuu lamid yahay gaalada + DHAGEYSO

  1. Caaqil says:

    Waa runtiis sheekha,hase yeeshee waxaa baryahan soo badatay qofkii xaqa sheegaa ama wax un diinta islaamka ka mid ah in la dhayo alqaacida ayaad tahay,sidaa darteed ayey culumo badan u sheegi waayeen xaqii kuwo kalana ku lumeen.

  2. Caaqil says:

    Waa runtiis sheekha,hase yeeshee waxaa baryahan soo badatay qofkii xaqa sheegaa ama wax un diinta islaamka ka mid ah in la dhahayo alqaacida ayaad tahay,sidaa darteed ayey culumo badan u sheegi waayeen xaqii kuwo kalana ku lumeen.

  3. Wadane says:

    Cidkasta oo xaqasheegta waxaa la leeyahay waa alqacida waxay ka midahay mushkilada haysata dad ka muslimiintaa waxaan leyahay culimada xaqa sheega oo ha ka gabanina

  4. Ahmed says:

    Sheekhunaa al casiis intii aad nuu sheegtay waa run,hase yeeshee yay dhaga u duleelaan ee wax ku shubta.

  5. salaad faarax says:

    waa ku raacsanahay shiikheena waa in xaqa la raaca islaamkuna ina hogaamiyaa

  6. taha says:

    hadii qofkiixaqa sheegaa alqaacida noqonayo soo alqaacida markaas xaq kuma taagna?
    xaqa allaha na waafajio dhamaan
    allahuma aamiin

  7. abdirisaaq yuusuf says:

    masha allaah baaraka laahu fiikum ilaahna waxaan uga baryeeynaa shiiqa cimri dheeri iyo cibaado san

  8. Axmed says:

    Asc walalayaal waxaan leyahay marka hore maba ahan inan malin galaada ay weyneyeen aan anagana weyneyno si kasto ha ahaate wiilka kherka shega muu habinka ka horeyo u soo jedo muxuusa ula jeda habinkas oo kherka u soo jediyay ma tahay inad usoo jedo?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>