Ergayga Qaramada Midoobay ee dalka Guinea-Bissau oo la magacaabay Maanta

Inta Akhrisatay :5707

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa u magacaabay madaxweynihii hore ee dalka East Timore wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan dalka Guinea-Bissau.

Jose Ramos-Horta,waa madaxweynihii hore ee dalka East Timore ,wuxuuna ku guuleystay abaal marinta nabbada ee Nobel Peace prize,sanadkii 1996 waxaana lagu dhawaaqay inuu yahay wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Guinea-Bissau.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon ayaa lagu sheegay in Jose Ramos uu yahay u qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee dalka Guinea-Bissau.

Jose Ramos,ayaa xilkaan kala wareegaya diblumaasi u dhashay dalka Rwanda Joseph Mutaboba oo xilkaan hayay muddo sedex sano ah

Bishii April,ciidamada meletariga dalkaasi ayaa afgambi ku qabsaday dalka ku yaala galbeedka qaarada Africa.

Dalka Guinea-Bissau,wuxuu leeyahay taariiq dheer oo ku aadan afgambiga waxii ka dambeeyay markii xoriyadiisa uu ka qaatay dalka Portugal sanadkii 1974 waxaana waqtiisa inta badan uu ahaa mid aan hogaamiye loo dooran

Taariiqda kooban ee Ramos Horta.

Ramos,wuxuu ku dhashay magaalada Dili ee caasimada dalka East Timor,sanadkii December 26, 1949,wuxuu wax kusoo bartay jaamacada dhowr ah oo ku yaala dalalka caalamka qaarkood.

horta

Mr Ramos-Horta, waa 63 sano jir ,wuxuuna soo noqday madaxweynihii dalka East Tomer ee ku yaala qaarada Aasiya,sanadkii 2007 dii iyadoo sanadkii naga dhamaaday looga guuleystay doorasho ka dhacday dalkaasi.

Waxaa loo doortay xilka madaxweynaha dalka East Timor 20 May 2007,wuxuna xilkaasi ka dagay 20 May 2012,sanadkii 1996 wuxuu ku guuleystay bilada nabada ee Nopel piece price.

Wuxuu ku hadli karaa shan luqadood oo kala ah Portuguese, plus English, French, Spanish iyo luqada dalka East Timore looga hadlo oo la yiraahdo Tetum.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...
images Miino lagu arkay buundo ku taala Muqdisho iyo waddooyin la xeray
- May 23, 2013
Miino lagu arkay Buundada Xamar jajab iyo ciidamo Booliis ah oo isku gadaamay,xirayna wadada ...
13715 Khaatuma oo wax dan u ah Jubbaland ka dalbatay dowlada Somaliya
- May 23, 2013
Maamulka Khaatumo State ayaa Dowladda Soomaaliya wuxuu ka dalbaday inay muujiso taageeradeeda ku aadan ...
13714 Maxaa iminka ka socda magaalada Wajeer la soco oo aqriso
- May 23, 2013
Magaalada Wajeer ee Gobalka NFD ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ...
Marka-Shabeelaha-Hoose DHAGAYSO:- “Marka wax ka jira malahan dadkii qorayna baaritaan ayaan ku wadnaa”
- May 23, 2013
Gudoomiyaha degmada Marka ee Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yarisow oo la hadlay warbaahinta ayaa ...
Baarlamaanka2 DHAGAYSO:- Xildhibaano aan ku qanacsaneyn waxii shalay dhacay
- May 23, 2013
Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay fashilkii shalay ...